Caruur loo diyaarinayey ismidaamin oo la soo bandhigay
Muqdisho(GMN)-Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay caruur ay sheegtay inay u katiinadaysanayeen Al-Shabaab.
Ciidamadda ayaa hawlgall ay sameyeen waxa ay ku ogaadeen guryo qarsoodi ah oo ku yaala Xaafadda Waxar Cadde ee Degmadda Huriwaa.
Ninkii Caruurtani xananaynayey ayaa u sheegay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho in loo qorsheynayey inay fuliyaan qarxyo ismidaamin ah.
Si aysan u baxsan Caruurta ayaa ninkii xanaanaynayey waxa uu sheegay in lugaha laga xiray.
Waalidiinta dhalay caruurta ayaa si aad ah ugu furxay marka ay ogaadeen in caruurtooda la helay.
Shabaab ayaa lagu eedeyaa in dagaaladda ay u adeegsadaan caruurta da’da yar kuwaas oo la dagaalama Dowladda Soomaaliya.


Recent Comments