Wafdi ka socda Norway oo ka qeyb galay Shirka Dastuurka
Muqdisho(GMN) Wafdi uu hogaaminayey Yan Betta oo ah u qaabilsanaha Dalka Norway ee Soomaaliya oo maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho ayaa kulan waxa ay la qaateen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Dastuurka iyo Arimaha Federaalka.
Masuuliyiintan ayaa sidoo kale waxa ay la kulmeen ergadda shirka ugu socda Magaaladda Muqdisho kuwaas oo u fadhiya ansixinta dastuurka.
Yan oo la hadlay ergooyinka ayaa sheegay in Norway ay ka mid tahay wadamadda garab taagan Shacabka Soomaaliyeed.
U qaabilsanaha Norway ee arimaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay ergooyinka ansixinta in hawsheeda ay ku dhameyaan waqtiga loo madlan yahay.
Shirka golaha ansixinta qaybyo qoraaleedka dastuurka ayaa maanta si aad ah ugu dooday nuqullo ka mid ah dastuurka oo shalay loo qaybiyey.
Ergooyinka ayaa ka hadlay qaladad ku jira qabyo qoraaleedka dastuurka oo ansixintiisa ay u fadhiyaan ergooyinka.


Recent Comments