Jowhar: Ushii Kor Loo Tuuro Qof Waliba Fillo
JOWHAR(GMN)-Wararka laga helayo Magaaladda Jowhar ee xaruunta gobbolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi xiisado laga dareemayo.
Xiisadaha ayaa ka danbeyey markii maalin ka hor deegaanka Qalimow ay gaareen ciidamadda Dowladda iyo kuwa AMISOM
Dadka ku sugan Magaaladda Jowhar ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa madaafiic ka dhacaysa Deegaanka Qalimo.
Wax dagaal ah kama aysan dhicin deegaanka tan iyo markii ay ciidamaddu ay halkaasi gaareen maalin ka hor.
Ciidamadda Shabaab ee ku sugan Magaaladda Jowhar ayaa dhankooda waxa ay galeen heegan buuxa.
Askar ka tirsan Shabaab ayaa la arkayey iyagoo baaritaano ku haya gadiidka soo gala Magaaladda iyo kuwa ka baxa.
Xaaladda gobbolka Sh/Dhexe ayaa waxaa hadda lagu tilmaami karaa “USHII KOR LOO TUURO QOF WALIBA FILO”


Recent Comments