Muwaadiniinta Maraykanka Oo Looga Digay Inay u Safraan Dalka Kenya
Washington (GMN) – Dowladda Maraykanka ayaa muwaadininteeda uga digtay in ay u safraan dalka Kenya ee ku yaalla geeska Afrika xilli ay soo badanayeen hanjabaado ka imaanaya kooxaha Islaamiyinta ee ka jira Soomaaliya oo ah in ay weerari doonaan wadamo dhowr ah.
Safaaradda maraykanka ee Kenya ayaa soo saartay warbixin ay ugu baaqday muwaadininta maraykanka in ay feejignaan muujiyaan xilliyada ay ku suganyihiin goobaha ay dadku isugu yimaadan.
Sidoo kale waxaa ay uga digtay in ay ka qaybgalaan ama ka qayb qaatan mudaharaadyada.
Digniintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhowaan xadka Soomaaliya iyo Kenya ay ku dagaalameen Ciidamo Kenyan ah iyo maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab
C/risaaq C/laahi


Recent Comments