Shabaab Yeman lagu qabtay
SAN’A(GMN)-Waxiid Rashiid oo ah Gudoomiyaha gobbolka Abyan ee Dalka Yeman ayaa shaaciyey in gacanta ay ku dhigen dad Soomaali ah oo ka soo tagay Soomaaliya.
Rashiid ayaa sheegay in 4-ruux oo Soomaali ah oo isla markaana ka mid ah Shabaab ay hada hayaan.
Waxid ayaa yiri dadkani waxa ay doonayeen inay ku biiraan Kooxda Al-Ansaaru-Diin ee ka dagaalanta Yeman.
Gudoomiyaha ayaa soo hadal qaaday in dadkani Soomaalida ah marka ay soo qabanayeen ay wateem hub fudud.
“Maxkamad ayaa soo taagi doonaa dadkani waxa lagu qaadi doonaa dambig ay leeyihiin” ayuu sheegay Waxiid Rashiid.
Dalka Yeman ayaa waxa uu ka mid yahay wadamadda inta badan la sheego inay ka dagaalamaan Shabaabka Soomaaliya.


Recent Comments