Iska hor imaad dhexmaray Boolis iyo Militiri
MUQDISHO(GMN)-Nawaaxiga Three Piano ee Magaaladda ayaa Maanta waxaa ka dhacay iska hor imaad dhexmaray ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Militiriga.
Iska hor imaadka ayaa waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo ka agdhawaa halka uu iska hor imaadka ka dhacay.
2-ruux ayaa goob joogiyaashu waxa ay sheegeen inay ku dhinteen oo ay ku jirto qod dumar ah oo baabuur uu dul fuulay.
Ilaa hada si rami ah looma xaqiijin sababaha uu iska hor imadku uu u dhexmaray ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya.
Sedax ka mid ah ciidamadda Dowladda ayaa lagu soo waramay in xabsiga ay dhigeen ciidamadda Militiriga.


Recent Comments