Erag: waa la sugayaa ammaanka ergooyinka
MUQDISHO(GMN)-Khaliif Axmed Erag oo ah Taliyaha Ciidamadda Nabad sugidda Soomaaliya ayaa shaaciyey in ciidamo gaar ah ay dhigi doonan hoolka lagu wado in lagu qabto shirla ergooyinka dastuurka meel marinya
Khaliif ayaa sheegay in gacan bir ah ay ku qaban doonaan ammaanka iskuul baaliyo oo ah halka loo qorsheyey in shirka lagu qabto.
Taliyaha Nabad sugidda ayaa sheegay in ciidamo gaar ah oo ka mid ah kuwa nabad sugidda ay dhigi doonaan halka shirka lagu qaban doono.
Hay’adda ayaa talaabadani waxa ay ku micneysay inay tahay mid ay ku sugayaan ammaanka ergooyinka meel marinaya dastuurka.
Ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida ayaa lagu arkayaa hareeraha iskuulbulisiyo oo ah halka lagu wado inuu ka dhaco shiirka ergooyinka.


Recent Comments