Saldhiga Balcad oo Qarax miino ka dhacay

BALCAD(GMN)-Goob joogiyaal ku sugan Degmadda Balcad ee gobbolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi qarax miino uu ka dhacay.

Qarax ayaa la sheegay inuu noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa la soo sheegayaa in uu ka dhacay meel u dhaw saldhiga ciidamada dowladda KMG ee degmada Balcad.

Goob jooyaal ayaa sharaxay in ciidamadda dowladda KMG ay sameeyeen hawlgallo kadib markii uu qarax dhacay.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi sidoo kale waxaana jirin wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamadda dowladda ee degmada Balcad.

Degmada Balcad ayaa waxaa ku sugan ciidamadda dowladda KMG oo ay wehliyaan kuwa AMISOM kuwaasi oo dhawaan la wareegay degmadaasi.

Info@mustaqbalradio.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event