Wafula: Ciidamo Boolis ah ayaa keyneynaa Muqdisho isbuuca soo socda
Muqdisho(GMN) Ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in isbuuca soo socda ay ciidamo boolis AMISOM ahay keeni doonaan gudaha magaalada Muqdisho.
Wafula Wamiyi oo ah Ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay Xarunta Xalane ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu doonayo in ciidamo boolis ah lagu keeno Muqdisho.
“Waxaan socda qorsho ciidamo boolis ah oo ka tirsan AMISOM la keeni doono gudaha Muqdisho isbuuca soo socda gudihiisa, waxayna ka qeyb qaadan doonaan sugida ammaanka Soomaaliya” sidaa waxaa saxaafadda u sheegay Wafula Wmiyi,
Wafula ayaa intaasi ku daray in ciidamadaani ay caawin doonaan ciidamada booliska Soomaaliya kuwaasi oo si wadajir ah u sugi doono ammaanka magaalada Muqdisho iyo gobbolada dalka.
Taliska AMISOM ayaa in dhawaalaba shaacinayey in ciidamo boolis ah ay soo gaari doono gudaha magaalada Kuwaasi oo badankooda ka socda dalka Uganda.


wadanga waxa uu galay gumaysi cusub maxaa yeelay waxa gacan uku jiro hadii tahay dhaqaalaha wadanka iyo ciidanka hadana waxaa laku soo kordiyay boolis ugaandhees ah iyo kaynyaan oo hada lasoowado
waa gumaysi kii hare kadaran