W.Arimaha Gudaha Oo Ka Hadashay Arimaha Gaalkacyo(warbixin)

Gaalkacyo-(GMN)Agaasimaha wasaarada Arimaha gudaha Puntland ee Gobolka Mudug Axmedcali salaad oo ka sharqamiyay in Gaalkacyo loo dhisayo Gole Deegaankana hadlay arimo badan oo khuseeya Gobolka Mudug.

Agaasimaha Wasarada arimaha gudaha Puntland Ee Mudug horayna dhawr mar
u soo qabtay xilalka Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo duqa Gaalkacyo ayaa
ka hadlay rajo uu ku tilmaamay inuu qabo oo ah dawlada uu Gaalkacyo
mar kale dib ugu yagyeesho Gole deegaan  ka dib markii Sanad ka hor uu
kala diray dhamaan Maamulka Mudug,Maayarka Gaalkacyo iyo xubnihii
Golaha deegaanka Madaxweynaha Puntland Dr C/raxman sh max’ed taasoo
sabab u ahayd isqabqabsi maamul iyo hormar la,aan baahsan oo lagu
eedeeyay Hay,adihii dawliga ahaa ee Mudug gaar ahaan Gaalkacyo.

Col Axmed cali salaad faarax ayaa sheegay in Gole deegaan la,aanta Gaalkacyo ay u xaniban yihiin mashaariic hormarineed oo fara badan iyo dhaqaale ay degmadu xaq u lahayd kuwaasoo ay kala sinayd degmooyinka kale ee Puntland waxaana uu intaasi ku daray in laba jeer la burburiyay Galihii deegaanka
Gaalkacyo taasoo uu sabab cad oga dhigay xubnaha beelaha Gaalkacyo ay
u soo doortaan Golaha oo kuraasta u yimaada hunguri iyo aqoon la,aan
haysatay xubnaha Golaha qaarkood kuwaasoo uu ku tilmaamay inay xagal
daaciyeen hawlihii Gobolka iyo degmada waxaana uu tilmaamay inay
murano iyo isjiidjiid badan ka dhex abuureen Maamulka xiligaas oo uu
isagu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Duqa magaaladuna uu ahaa Xaaji C/raxman
max’ud xaaji xasan muranadaas iyo ka dhex shaqaynta Maamulka
laamihiisa ay markii danbe keentay in Dawlada dhexe ee Puntland faraha
ay soo galiso markii danbana dhamaan lawada cayriyay Gobolkana loo soo
magacabaay Gudoomiye gudi Amni & Hormar Agaasimihii hore ee Wasaarada
waxbarashada Puntland Max’ud c/raxman cuuke iyo labadiisa ku xigeen
Farxan cali xaad iyo Daahir max’ud muuse.

Gudoomiyihii hore ee Mudug Col salaad ayaa bulshada Gaalkacyo ugu
baaqay inay hada ka dib ka fiirsadaan cid ay u soo xulanayaan Golaha
deegaanka oo ay soo xushaan shakhsiyaad matali kara dadka iyo
deegaanka una horseedi kara Hormar iyo Nabad galyo buuxda.

Masuulkan Gobolka Mudug ugu qaabilsan Wasaarada Arimaha gudaha
Puntland ayaa xusay in hadii Gaalkacyo mar kale loo sameeyo Gole
deegaan kuraastana ay buuxiyaan xubno u qalmo in hada ay ka fursad
wanaagsanaanayso sidii hore, Kornaylka ayaa xusay inay xiligoodii wax
badan qabteen balse ay jiri karan waxoogaa sambariiraxshaa taasna ay
tahay wax qof walboo masuul ka imaan kara wuxuu sheegay inay bulshada
Mudug u taal in laga raystay iyo in kale.

Col Salaad ayaa geesta kale ka maagmaagay qaabka uu u shaqeeyo iyo
heerka uu joogo xiligan Maamulka Gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo
isagoo gabi ahaanba mugdi  galiyay jawaabta masuuliyiinta xiligan
shaqeeya Gobolka maadaamaa ay ku jiraan rag la soo shaqeeyay
xiligiisii.

” Walaahay hadaan isku dayo inaan ka jawaabo  su,aasha ah ragga hada
jooga maxay qabteen marxalada uu Gobolka iyo degmadu maraysana nooga
waran  hade rag bay i dhinbaysaa marka waxaa ila roon inaan waxba ka
oran”, Ayuu yiri Col Salaad.

Hadalka Agaasimaha Wasaarada arimaha gudaha Mudug ee Dawlada Puntland
Col Axmed cali salaad faarax ayaa ku soo aadaya xili muddo ka badan
hal sanno oo ay Gaalkacyo tahay magaalo aysan ka shaqayn Gole deegaan
oo ay degmooyinka Puntlan leeyihiin taasoo xanibaad ku keenayso
mashaariic fara badan oo ay heli lahayd Degmada xili bulshadu ay u
baahi qabaan hawlo badan oo Hormarineed sidoo kalana uu xun yahay
Amniga Gaalkacyo.

Col Axmed cali salaad ayaa dhawr mar la isugu badbadalay Gudoomiyaha
Mudug iyo Duqa magaalada Gaalkacyo waxaana maamulkiisii lagu xasuusan
doonaa gudiyada xaafadaha oo uu hir galiyay isagoo la kaashaday
odoyaal horay ula soo shaqeeyay Dawladii AUN Max’ed siyaad barre oo
laga xusu karo Cumar cali jaamac (Cali kacaan) iyo ceelka Halabookhad
oo uu geeyay barakacayaal ku dhibaataysnaa gudaha magaalada waxaana
arintaasi ay ka wada shaqeeyeen Duqii magaalada C/raxman max’ud xaaji
xasan oo lagu tiriyo Duqii ugu waxqabadka fiicnaa ee Gaalkacyo soo
mara hadana ku nool Dalka Kenya.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo deegaano badan xuduud
la leh ayaa ka mid magaalooyinka ugu waaweyn Soomaaliya gaar ahaan
Puntland waxaana sanadihii ugu danbeeyay ay noqotay deegaan aan
xasilnayn inta badana waxaa ka dhaca dilal qorshaysan oo lagula kaco
indheer garadka qaybihiisa kala duwan qaraxyo iyadoo bilihii ugu
danbeeyayna ay ku soo badanayeen dhaca gawaarida iyo falalka anshax
daradaa ee uu ugu horeeyo kufsiga lagula kaco hablaha waxaana inta
badan Puntland iyo Galmudug oo ka wada taliya ay isku dayaan in lagu
guulaysto xalinteeda balse wali ma muuqdaan qorshe dhaba oo magaalada
ka taaba gala waxaana taasi dhaliisheeda qayb ka qaadanaya bulshada oo
aan lahayn xiriir wada shaqayneed oo dhab kaasoo hadii uu jiri lahaa
sida ay tahay magaalada wax ka badali lahaa.

Si kastaba inkastoo baahi weyn loo qabo Gole deegaan oo ay yeelato
Gaalkacyo hadana siyaasiyiin iyo bulshada caadigaa qaar ayaa qaba in
Gole loo sameeyo magaalada ay dib u dhac Hormar la,aan ay ka dhex
dhalinayso Hay,adaha Dawligaa Ee Gobolka waxaana hada muuqda ifafaalo
muujinaya in magaalada ay yeelato Gole deegaan inkastoo aan la hayn
war rasmiya oo xaqiijinaya arintaasi.

Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silfar)

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event