Gaas :Haweenka 30% ayay ku leeyihiin Dowladda cusub

MUQDISHO(GMN)-Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali  Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta oo Talaada ah ka qayb galay kulan ay soo qaban qaabiyeen qurba joog Soomaaliyeed.

Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in haweenka ay yihiin laf dhabarta Bulshadda isla markaana dagaaladii ka dhacay dalka ay dhibaato soo gaartay.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa doorka ay haween ku leeyihiin Dowladda cusub ee la filayo in loo dhiso Soomaaliya.

Sheekh Axmed Dhicsow oo ka mid ahaa dadkii lagu marti qaaday kulanka ayaa sheegay in diinta Islaamka ay ogoshay in haweenka ay hogaan qabtaan.

Dhicisow ayaa hoosta ka xariiqay in haweenka ay u qalmaan in 60% ay mudan yihiin door muuqdana ay ku leeyihiin Bulshadda Soomaaliyeed.

Gedoonlinenews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event