Shabaabkii Ugu badnaa oo Baardheere gaaray
Baardheere(GMN)-Goob joogiyaal ku sugan Degmadda Baardheere ee Gobbolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen ciidamadii ugu badneyd oo Shabaab ah.
Ciidamaddani ayaa lagu soo waramayaa inay ka ruqaansadeen deegaano ka mid ah gobboladda Baay iyo Bakool.
Shabaabka gaaray Degmadda Baardheere ayaa waxa ay wateen gadiidka kuwa dagaalka.
Ciidamadda qaar ayaa lagu soo waramayaa inay ka yimaadeen dhinaca gobboladda Jubbooyinka.
Gobboladda Jubbooyinka Gedo, Baay iyo Bakool ayaa waxa ay ka mid yihiin meelaha ay ka jiraan xiisadaha coladeed.
Degmadda Baardheere iyo Buurdhuubo ayaa waxa ay ka mid yihiin Degmooyinka Shabaab ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.


aad iyo aad baad warar sugan u gudbisaan.