Tarbiyada Awlaada
Awlaadu waxaykamid yihiin nimcooyinka waaweyn ee ale nasiiyey la,aantoodna aanan xasili karin qofkii ilaahay u diidana wuxuu ku bixiyaa maal aad,u farabadan haduu heli karo wuxuu u,maraa meelo badan sida: isbitaal, ducaysi iyo ala bari farabadan, talo raadin, dadka qaarkiina waxay ku xanbaaraan samaynta wax,aan sharci ahayn wayna adkaataa in qofku uu sifududu ,u sabro.
Dhibka aan umarno korinta iyo barbaarinta ubadkeena.
Hadii ilaahay awlaad nasiiyo tiro,ahaan intay la ekaadaanba waxaan u guntanaa habkii aan u korinlahayn, uraadinta iyo siinta waxyaabaha lagama maarmaanka,u ah sida: cunada, aradtirka, daawada, hoyga, gogosha,iwm..
korintoodana waxaynagu qaadataa hadiiba ilaahay inoodaayo waqtidheer waxay nagu kalifaan inaan iyaga dartood aan umarno meelo naftayada halisgalinkaro, meelo badan oo aan ka xishoonlahayn iyaga la,aantood waxay mararka qaar nagu kalifaan inaan kabaaqsano samaynta cibaado aanu ilaahay oogu dhawaan lahayn sida uu nabigeena muxamad (csw) noosh sheegay wuxuuna yiri: جاء الحسن والحسين يسعيان إلى النبي صلى الله عليه وسلم
فضمهما إليه وقال: إن الولد مبخلة مجبنة محزنةمجهلة. رواه أحمد وابن ماجه وأبو يعلى والطبراني
Awlaada waxay kaa dhigaan mid murugaysan mararbadan ayay ku qabsanaysaa sida: markaad waydo waxaad siiso, markay xanuunsadaan, waakuwa kugu kalifo inaad fulayoowdo oo aadka baaqato hadaad jihaadgali lahayd inaad dhimato oo ay dayacmaan gadaashaa, waa kuwa kugu kalifo inaad noqoto mid caamo ah oo aan cilmi lahayn oo hadaad cilmi baran lahayd iyaga ayaad u baqaysaa inay dayacmaan, waakuwa kugu kalifo inaad noqoto bakhayl oo hadaad waxsadaqaysan lahayd waxaad is dhihi amaad waxaad siiso waydaa hadaad waxoogaagaan bixiso.)
Waxaan wada ognahay qofka bini aadamka,ah waxa uu oogu jecelyahay waa naftiisa iyo maslaxadiisa gaarka,ah, qofkaste wuu ogyahay inuu dhimanayo waxa ka horeeyana ay tahay waqtigii yaraa ee aduunka uu joogay wixii uu shaqaystay hadana mararbadan ayaad ka baaqsanaysaa inaadla timaadid cibaado ku anfacayso aakhiro iyo aduunba ubadkaada dartiis sida aadka arkaysid xadiiska.
Xadiisku waa xaqiiq aan u baahnayn in la,iska dhaadhiciyo,
Umana baahno in aad loo sharaxo maxaa yeelay waa shay waaqaca taabanayo qofkasto oo waalid,ahna uu isdhihikaro markuu maqlo xadiiskaan ma,aduu kaawaramayaa.
Marka oogu horayso ee ilaahay kusiiyo awlaad waxaa isbadal ku dhacayaa dhamaan habkii aad u noolayd, habkaad u fikiri jirtay, sidaad umaarayn jirtay noloshaada talaabo kaste oo aad qaadayso waxaad ku dhisaysaa maslaxada ubadkaada iyo waxtarkooda, waxaa marar badan kusoo marayo fursado aad isleedahay noloshaada ayay waxkabalaysaa xagdhaqaale, iyo xag cilmiyeedba iwm, hadana aadan ku dhaqaaqi karin maslaxada ubadkaada oo aysan la jaan qaadikarin awgeed.
Waxaan maalin iyo habaynba u taaganahay maslaxada ubadkeena waxaan waxkastoo qaali,ah ku bixinaa maslaxadooda, waxaad ka bakhaylayso ma jiraan haduu midkamid,ah xanuunsado diyaar, ayaad utahay inaad waxaad haysatoodhan ku bixiso si,uu caafimaad,uhelo, farxadeena iyo murugadeena waxay ku xirantahay hadba xaalada ay ku sugan yihiin ubadkeena , dheregtooda, baahidooda, caafimaadkooda, cudurkooda iwm.
Hadaba waa sidee qiimaha uu inoogu fadhiyo qofkaas aanu kasoo sheekaynay iyo muhiimada ay noo leedahay inaan tarbiyayno qofka aad u hibaysay dhamaan waxaad lahayd sida: cimrigaadii, xoogaadii, maalkaadii, maskaxdaadii oodhan islamarkaasna aad ku faraxsantahay inaad sidaa yeesho walina aad ciil,u qabto inaad oogu darto waxtar dheeraad,ah oo aadan awood,uhayn?.
Ubadku wuxuu ku leeyahay xuquuq waajibku,ah waalidkiis ayna tahay inuu guto haduu gudan waayana ilaahay kala xisaabtamayo, inuu naarku galana ay ubadan tahay, hadana si faro badan sharcigu ugama hadlin xuquuqda awlaada sida looga hadlay waalidka xaqa uuku leeyahay ilmihiisa, maxaa yeelay ilaahaygii na abuuray sharcigana soo dajiyey wuxuu ogaa naxariista iyo jacaylka farada badan ee uu dhigay qalbiga waalidka ee uu, waalidku uqabo waladkiisa taasoo keenayso inuusan waxtarkiisa kahagran, waxaana wada ognahay in mararbadan ubadka sabab,ay u noqdaan naarta inuu galo waalidkiisa maslaxada ubadkiisa darteed sida ay waalidkaas latahay.
Hadaba siday xaaladaadu noqonaysaa qofkii aad u hibaysay noloshaadii iyo waxay kasbatay labadaba haduu adoo indhahaadu shanta yihiin hortaada kuhalaabo sababna aad adi u noqoto inuu halaabo markii uu waynaadana aadka waydo xaqii aadku lahayd, ama uu xataa naftiisa uu gabo? Waxaa hubaal,ah inay keenayso xanuun iyo qasaaro aan laga kaban karin waxaad dib u goconaysaa dhibkaad usoo martay korintiisii iyo sidii hagarla,aanta ahayd ee aad usoo barbaarisay, markaasay ilin aad,ukul kusoo dhaaftaa xili aysan waxbo gacan kuugu jirin haday tahay awood, maal, iyo maskaxba.
Markaan leeyahay waalidka qaar ayaa halawga ilmihiisa sabab u,ah ma,aha arinku inuu waalidka sidaa oogu talagalay ee waxaa waalidka soomaaliyeed intiisa badan haysto aqoon darro xaga tarbiyada ilmihiisa,ah waxbadan oo tarbiyada ilmaha halaynayo ayuu kula kacaa isagoo waxtar uga dhigayo.
Waajibka saaran waalidka inuu tarbiyeeyo ubadkiisa.
Hadaba waxaa waajib ku,ah waalidka inay tarbiyeeyaan ubadkooda tarbiyadii ilaahay oogu tala galay ilaahayna wuxuu ku yiri suurada Al-taxriim aayadeeda lixaad:
( يا أيها الذين آمنوا قو أنفسكم وأهليكم نارا وقودها الناس والحجارة عليها ملائكة غلاظ شداد لا يعصون الله ما أمرهم ويفعلون ما يؤمرون )
(Kuwa ilaahay rumeeyayoow naftiina iyo awlaadiinaba ka ilaaliya naar shidaalka lagu hurinayaa uu yahay dhagaxaan waxaa naartaas ka shaqaynayo malaa.ik daran oo adag samaynayana ilaahay wuxuu amray oo kaliya) aayada qur,aanka,ah waxaan ka fahmaynaa inay waajib kugu tahay sida aad naftaada uga ilaalinaysid naarta si lamid,ah inaad uga ilaalisid ehelkaada oo ay oogu horeeyaan awlaadaada iyo xaaskaada.
Rasuulka wuxuu yiri (csw):
|
عن ابن عمر رضي الله عنهما عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: (كلكم راع وكلكم مسئول عن رعيته والأمير راع والرجل راع على أهل بيته والمرأة راعية على بيت زوجها وولده فكلكم راع وكلكم مسئول عن رعيته ) متفق عليه
|
Rasuulka wuxuu yiri: (dhamaantiin waxaad tihiin raaciyaal midkaste oo idinka mid ahna waa lawaydiinayaa wixii laraaciyey) markaa kadib aayuu naibigu si gaar,ah wuxuu u tilmaamay arimo dhowr,ah oo muhiim,ah oo wuxuu yiri:(Amiirka waxaa la raaciyey umada uu xukumo waana la waydiindoonaa wixii la raaciyey sidii uu u maamulay ninka waxaa la raaciyey xaaskiisa iyo caruurtiisa iyo dadka gurigiisa joogo waana la waydiindoona wixii la raaciyey, haweenayduna waxay raaciyad ka tahay guriga ninkeeda iyo awlaadiisa waana lawaydiindoonaa wixii la raaciyey).
Dadaalka waalidka badankii uu ku bixiyo ubadkiisa wuxuu u badan yahay dhanka koritaanka jirkiisa, laakiin waxaa jiro koritaan kale oo aanka muhiimad yarayn tan,uu u baahan yahay jirkiisa, hadii lawaayana uu qofku noqonayo qof aan jirin isaga oo dunida joogo, waa korinta iyo barbaarinta xaga maskaxda carabtu waxay tiraahdaa (qofku wuxuu waxku yahay carabkiisa iyo qalbigiisa).
Waana arin aanu wada ognahay oo qofka wanaagiisa diineed, dadnimadiisa, waxqabadkiisa, is,anfaca naftiisa, waalidkiisa iyo dadka kuleh xuquudka waxay ku xiran tahay hadba sidii loo barbaariyey maskaxdiisa ee kuma xirna sidii loo barbaariyey jirkiisa.
Bini,aadamku wuxuu kaga duwan yahay inta kale ee ilaahay abuuray maskaxda iyo caqliga ale siiyey haduu helo tarbiyo wanaagsana wuxuu noqonayaa abuurta oogu wanaagsan ooguna khayrka badan inta ilaahay abuuray, haday tarbiyada ka xumaatana wuxuu noqonayaa inta ilaahay abuuray nooca oogu shaqisan, ooguna sharbadan ilaahay ayaana qur,aankiisa kariimka,ah ku sheegay suurada la yiraahdo Al-bayinah aayada lixaad:
(kuwa xaqa diiday ee kamid,ah kuwii kitaabka la siiyey iyo kuwii mushrikiinta,ahaa waxay galayaan naarta jahanama wayna ku waarayaan kuwaasna waa kuwa oogu sharta badan inta la abuuray, kuwii iimaanka laga helay camalka wanaadsana kudaray kuwaas waa kuwa oogu wanaagsan inta la abuuray) inbadan oo culimada qur,aanka kariimka,ah fasirto waxay yiraahdaan qofka haduu wanaagsanaadana malaa,ikta wuuka fiicnaadaa haduu xumaadana shaydaanka wuuka liitaa xaga darajada.
Hadaba sidee looga dhigikaraa awlaada qofkii loo baahnaa ee fahmay nolosha macnaheeda noqdana midku sifaysan sidii ilaahiisii abuurtay oogu tala galay? yaase ka dhigi karo qofkii loobaahnaa inuu noqdo? Waaa maxay shuruudaha iyo sifooyinka laga rabo qofka waxtarbiyaynayo? Goormee ayayna oogu fiicantahay in loo diyaariyo habkaas?.
Su,aalahaas iyo wixii la xiriira waxaanu kusoo qaadandoonaa maqaalka xiga hadii ilaahay yiraahdo.
Wabilaahi tawfiiq
Maxamed ibraahim


Recent Comments