Buug Cusub ”Xallinta Khilaafka” By Cabdi SHire

Xaflad lagu soo bandhigayey buug cusub oo lagu qabtay Nairobi

Dr. Abdi Shire Warsame

Qoraaga Cabdi Shire Warsame ayaa buug cusub oo la magac baxay ”Xallinta Khilaafka” ku soo bandhigay shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo xafladda soo bandhigidda buugga cusub ay ka qeybgaleen dadweyne fara badan oo isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahanno, mas’uuliyiin iyo qeybaha kale duwan ee bulshada.

Munaasabadda waxaa dadkii ka hadlay kamid ahaa Prof: Ibraahim Sheekh Xasan oo sheegay in markii uu akhriyey buugga Xallinta Khilaafka ay u baxeen waxyaabo fara badan oo tilmaamayo wadiiqda iyo siyaabaha loo maro marka la xalinayo khilaafka, isagoo uga mahad celiyey qoraaga sida uu xil isaga saaray, waqtina u geliyey qorista buuggan.

Khaliif Ashkir Diini oo isagu laf ahaantiisa ah qoraa ayaa xafladda khudbad uu ka jeediyey wuxuu ku amaanay dadaalka lagu bixiyey in buuggan la qoro, wuxuuna muujiyey qorista buugaagta noocaan oo kale ah ay macno badan ugu fadhido ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana qorayaashu ku dadaalaan.

Qoraha buugga Xallinta Khilaafka Dr. Cabdi Shire Warsame ayaa sheegay in buuggan uu sharaxaad badan ka bixinayo waxa uu yahay khilaaf, noocyadiisa, sida lagu xaliyo iyo sababaha marka horaba dhaliyo, wuxuuna goobta xafladda dadweynihii ka qeybgalay ugu sharxay qodobada khilaaf bixinta.

Wuxuu ku nuux-nuuxsaday in dadka Soomaalida ay kaga xeeldheer yihiin caalamka intiisa kale marka ay timaado in sharaxaad laga bixiyo khilaafka, isagoo tusaale u soo qaatay buugaag caalami ah iyo kuwa Soomaali ay leedahay waxa ay khilaafka ka tilmaameen.

Cabdi Shire ayaa u mahad celiyey cid kasta oo gacan ka geysatay, kuna dhiirigelisay qorista buuggan.

Waa buuggii labaad oo noociisa ah oo qoraagu soo bandhigo muddo ku siman sanad gudihiisa, sanadkii hore wuxuu isla Nairobi ku soo bandhigay buugga ”Hoggaaminta Wanaagsan”.

Maxamed Cali Xuseen (Dheereeye)
Nairobi, Kenya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event