Doorka Dhaqanka Kushirsan Muqdisho
Annagu muraadkayagu waxuu yahay in aan hubsanno in Odayaal Dhaqmeedyadu farriintaan aay mid mid u gaarto inta aaysan Go,aan ka gaarin ansixinta Dastuurka horyaalla.
Bashir Shekh Moxamed.
Maxaa la gudboon Odayaasha Dhaqanka ee kushirsan Muqdisho:
Sida la ogyahay DFKMG waxay qorshaaynaysaa in ay hirgeliso Dastuur ay si qayaxan ugu xusan tahay sidan:
- “Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafka soohdimaha caalamig ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi…” waa farqad lagu siyaadiyey qodobka 7aad ee Dastuurkii lagu soo saxiixay Nairobi Jimacadii June 22, 2012 AKHRI/GUJI…
- Hoos ka akhri is barbar dhig qodobka 7aad ee labada dastuur ee ay soo kala diyaariyeen saxiixayashii roadmapka iyo guddiga madaxa bannaan ee dastuurka….
Ifafaalaha socda marka la eego, Kenya iyo saaxiibadeed waxay damacsan yihiin in ay arrinta geeyaan maxkamada Caalami ah (Taas oo ah sidii ay damacsanaayeen markii ay DFKMG la saxiixatay heshiiskii Is-fahamka kaas oo markii ugu horaysay muran geliyey dhul-badeed Soomaaliyeed), markamadana ay markaas farta ugu fiiqaan in xitaa Dastuurka Soomaaliya qirayo in dhulkoodu muran ku jiri karo.
Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee ku shirsan Muqdisho waxaa la gudboon in ay ku adkaystaa in aan dastuurkaasi dhaqan geli ilaa laga masaxo qaybaha lagu soo siyaadiyey qoodobka 7aad. Isla markaasn ay dalbadaan in lagu bedelo qodob cusub oo oranayo “Badda soomaaliya waxay ku cabiran tahay sida uu dhigayo Xeer Sharciga No. 37 ee Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea) iyo Dekedaha ee soo baxay 10 –kii September 1972.”
Fiiro Gaar ah:- Waxaan idiinla socodsiineynaa in
Xeer Sharciga No. 37
uu noqday midka la mari waayay oo nooga diinwaangashan Qaramadfa Midoobay, haddii uusan qodobkaasi taagnaan lahayn , mar hore ayaa nalagu tuman lahaa.(Bashir Shekh Moxamed).
Go’aankaas haddii ay qaataan Odayaasha Dhaqanka, waxaa shacabka Soomaaliyeed uga hayn doonaan abaal waara, oo gaari kara jiilasha mustqabalka.
Shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamaankoodii waxay is hortaageen heshiiskii guracnaa ee Is-fahamka, laakiin baarlamaankii maadaama laga dhigay mid aan jirin, arrintu waxay u u janjeersanaysaa in ay shacabka Soomaaliyeed ka dhur sugayaan go’aan adag oo ay arrinta dastuurka ka qaataan Oday Dhaqameedku, oo ay laalaal qodobada lagu soo kordhiyey ee muranka gelinaya dhulka Soomaaliyeed.
- Warbixinta Reuters waxay sheegatay in guddoomiyaha ama madaxa Kenya u qaabilsan Batroolka oo magaciisu yahay Martin Heya uu yiri “Waxaa Nairobi (xukuumadda Kenya) ay shidaal sahamiyaasha u xaqiijisay in aagaggaasi ay ku negaan doonaan (ahaan doonaan) dhul ay Kenya leedahay” (Heya said Nairobi had reassured explorers the blocks would remain Kenyan.).. (TIXRAAC HALKAN)
Waxaa muuqata in Kenya ay dardar gelisey heshiisyada sharci darrada ah ee ay la galayso shirkada sahaminta ee badda Soomaaliyeed (sida uu qiray wasiir ku xigeenka Macdanta iyo bartoolka DFKMG). Waxaana murankaasi soo bilowday markii DFKMG ay Kenya la saxiixatay heshiis loogu yeeray Is-faham kaas oo markii ugu horeeyey muran geliyey dhul badeed Soomaaliyeed oo baaxad weyn.
Isbarbardhig: Qodobka 7aad ee labada Dastuur ee ay soo kala diyaariyeen Guddiga Madaxa bannaan (Jabuuti) iyo Saxiixayaashii Roadmapka (Nairobi)
Sida kuqoran Q.7aad ee Dastuurka ay so diyaariyeen Guddiga Madaxa Bannaan
Qodobka 7aad
Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
1. Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda sare, iyo geyi-qaaradeedka iyo sidoo kale, dhulka iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuruyadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Federaalku ansixiyo.
2. Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xadgudbaan lamana qaybin karo.
Sida ay Q.7aad u bedeleen Saxiixayaashii Roadmapka
Qodobka 7aad
Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya
Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya
1. Gobannimada Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuruyadda Somaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.
2. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.
3. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.
4. Xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960 ee Somaliya.
5. Jihooyinka xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya:
(a) Waqooyi: Gacanka Cadmeed
(b) Waqooyi Galbeed: Jabuuti
(c) Galbeed: Ethiopia
(d) Koonfur Galbeed: Kenya
(e) Bari: Badweynta Hindiya
(a) Waqooyi: Gacanka Cadmeed
(b) Waqooyi Galbeed: Jabuuti
(c) Galbeed: Ethiopia
(d) Koonfur Galbeed: Kenya
(e) Bari: Badweynta Hindiya
Akhri Jawaabtii ay Guddiga madaxa bannaan ee dastuurku ka bixiyeen qodobada lagu soo siyaadiyey dastuurka ee muranka gelinaya dhulka Soomaaliyeed, una gogol dhigaya ka tanaasulka NFD iyo Soomaali galbeed.. Halkan ka akhri


Recent Comments