Gaas oo Garoonka Muqdisho lagu soo dhaweeyey
Muqdisho(GMN)-Wafdi uu hogaaminayo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaaladda Muqdisho.
Wafdiga Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka mid ah golaha wasiiradda Soomaaliya.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa aad u adkeeyey ammaanka wadada xiriirisa Madaxtooyadda ilaa garoonka Aadan Cadde.
Ra’isulwasaaraha ayaa waxa uu dalka dibadiisa gaar ahaan magaaladda Roma uu kaga soo qayb galay shir halkaasi ay ku yeesheen kooxda I.C.G.
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa garoonka magaaladda muqdisho waxaa ku soo dhaweyey masuuliyiin ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya.
Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ayaa sidoo kale intuu ku sugnaa Magaladda Roma waxa uu kulan la qaatay madaxda dalkaasi.
Gaas ayaa masuuliyiintii uu la kulmay waxa uu kala hadlay marxaladda kala guurka sidii loogu gubi lahaa.


Recent Comments