Dhadhaab oo Samafal ka bilowday
Dhadhaab(GMN)-Waxaa dib u bilowday hawlihii gargaar ee Hay’adaha Samafalka ay ka wadeen Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab, iyo Dhagaxley.
Waxaa la arkayey xafiisyada oo si caadi ah u shaqyanya isla markaana dadku ay ku jiraan safaf dhaadheer si ay u helaan raashiin gargaar.
Markii dhawaan Xeradda Dhadhaab laga soo afduubtay Shaqaale gargaar ayaa waxaa hakad ku yimid hawlihii gargaarka.
“Marka aan maqalnay in shaqaale gargaar la afduubtay waxa aan dareenay cabs ku aadan dhinaca gargaarka” sidaa waxaa sheegay Maxamed Cabdulaahi oo ku sugan Dhadhaab.
Waxii ka dambeeyay markii Kenya ay soo gashay Soomaaliya oo Kenya ay ka bilowdeen falal amni daro ayaa waxaa meesha ka baxay Hay’adihii samafalka ee gargaari jiray Qaxootiga Soomaalida


Recent Comments