Raashiin lagu gubay Buula-Burde
Buula-Burde-(GMN)-Wararka naga soo gaaray Degmadda Buula-Burde ee gobbolka Hiiraan ayaa sheegay in Shabaab meel fagaara ah ay ku gubeen rashiin ay sheegeen inuu dhacay.
Raashiinka ay gubeen Shabaab ayaa la sheegay in ay laheyd Hay’ada ICRC oo laga soo saaray bakhaaro ay Hay’adu laheyd.
Sheekh Yuusuf oo ah horjoogaha ugu sareeya Shabaabka Buula-Burde ayaa sheegay in raashiinka ay isugu jiraan digir iyo waliba.
“Raashiinkan waa mid tayaydiisu xumaatay isla markaana la damacsanaa in loo qaybiyo dad shacab” sidaa waxaa meel fagaara ah ka sheegay Sheekh Yuusuf.
Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in ay ugu digay inay qaadaan talaabo ay sheegeen in lagu dhibaateeyo dadka rayidka ah.
Al-Shabaab ayaa marar badan waxa ay meel fagaar ah ay ku gubeen raashin ay sheegeen inuu dhacay.


Recent Comments