Odayaal ka soo jeeda Gedo oo Ku kulmay Muqdisho
Muqdisho-(GMN)Kulan Magaaladda Muqdisho ay ku yeesheen odiyaal ka soo jeeda gobbolka Gedo ayaa waxa ay ugu hadleen shirka ka socda Magaaladda Muqdisho.
Odayaasha ayaa shirkooda waxa ay ku sheegeein in dhaliil ay u jeedinayaan qaar ka mid ah wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.
Max’ed Ugaas Xirsi oo ka mid ahaa Odayaasha kulanka Muqdisho ku qaatay ayaa warbaahinta u sheegay in wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ay shirka keeneen Odayaal been abuur ah.
Odayaasha ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu baaqeen in wax laga qabto fara galin ay sheegeen in wasiiro ka midah dowladda ay ku hayaan Shirka ka socda Magaaladda Muqdisho.
Baaqa Odayaasha ayaa imanay xili maanta shirkii ugu socday Odayaasha dhaqanka uu ku soo idlaaday sawaxan.


Recent Comments