Shabaabka Kismaayo oo diyaar garow galay

Kismaayo-(GMN)-Wararka laga helayo Magaaladda Kismaayo ee xaruunta gobbolka Jubbadda hoose ayaa sheegaya in halkaasi la dareemayo dhaqdhaaqyo ciidan oo ay sameynayaan Al-Shabaabka Kismaayo Ku sugan.

Dadka ku sugan Magaaladda Kismaayo ayaa Gedoonine u sheegay in maanta oo Talaada ah lagu arkayo magaaladda ciidamo aad u fara badan oo shabaab ah.

Ciidamadda ayaa dadka qaar waxa ay ugu baaqayaan in ay ka qayb qaataan dagaaladda ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Dhaqdhaaqa xoogan ee Shabaabka ay ka wadaan magaaladda Kismaayo ayaa ka danbeyey markii ay soo ifbaxeen in Kenya ay ku wajah tahay Magaladda Kismaayo.

Kismaayo ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Al-Shaabaab isla markaana waxaa gaaray ciidamo badan oo taabacsan Shabaab si ay difaac ugu noqdaan weerar kasta oo suurta gal ah in halkaasi lagu qaado.

Deegaanadda gobboladda Jubbooyinka ayaa waxaa laga dareemayaa dhiilooyin coladeed oo u dhaxeya Shabaab iyo Dowladda KMG Soomaaliya.

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event