Ban-Ki-Moon oo ka xumaaday qaraxyadii Garissa

New York-(GMN)- Mr. Ban-Ki-Moon oo ah xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay ayaa waxa uu cambaareyn dusha kaga tuuray weeraradii bambaano ee lala beegsaday labo kaniisadood ee ku yiilay magaaladda Garissa ee gobbolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya.

Xoghayaha ayaa sheegay in weeraradaasi ay ahaayeen kuwa argixisinnimo islamarkaana uu si xooggan u camaareynayo waxana uu ku tilmaamay fal wuxuushtinnimo ah oo lagu laayey dad aan wax galabsan.

Masuulkaasi ayaa intaasi ku daray hadalkiisa in wax cudur daar ah aysan lahayn kuwa caadeystay in dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan laayo, kuwa dambiilayaasha ah ee falalkaasi geystay ayuu sheegay Ban-Ki-Moon in mar un sharciga la hor keeni doono.

Xoghayaha guud ee QM ayaa tacsi u diray qoysaskii ay ka dhinteen dadkii lagu qarxiyey labada kaniisadood eek u yiilay magaalada Garissa ee dalka Kenya.

Labo Maalin ka hor ayey ahayd markii weerar loo adeegsaday bambaanooyin lagu qaaday labo kaniisadooda uu ku yiilay gudaha magaaladda Garissa waxaana halkaasi ku dhintay 17 qof halka 45 kalena ay ku dhaawacmeen.

Gedoonline.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event