Giulio: Dastuurka Somalia waa inuu noqdaa Dimoqradi
Roma-(GMN)-Giulio Terzi wasiirka arimaha dibadda dalka Taliyaaniga ayaa sheegay in Dastuurka loo sameynayo Soomaaliya lagu salaeyo Dimoqraadiyadda.
Wasiirka arimaha dibadda dalka Taliyaaniga ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay in laga gudbo waqtiga KMG-nimadda.
“Waa in dadka oo dhan Muslim iyo Kirishtan ay si xor ah ugu noolaan karaan gudaha Soomaaliya, oo qof walba diintiisa aan la fara gashan oo aan lagu nacin sidaasi waxaa ku jira wanaag iyo is ixtiraam” ayuu yiri Giulio Terzi
Hadalkani ayaa Giulio Terzi waxa uu ka sheegay kulanka Magaaladda Roma ugu soconaya Kooxda ICG halkaasi oo ay ku sugan yihiin masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Dowladda Taliyaaniga ayaa ka mid ah wadamadda inta badan galgalka siyaasadeed ku leh arimaha Soomaaliya.


Recent Comments