Kenya Oo Ku Hanjabtay Qabashada Kismaayo.
Nayrobo-(GMN) Ra’iisulwasaaraha Dalka Kenya Raila Odinga ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Milatariga ee Dalka Kenya ay qabsan doonaan Magaalada Kismaayo.
Ra’iisulwasaare Odinga waxaa uu sheegay in Ciidamadooda ay sameeyeen talaabooyin horumar leh, isagoo intaa raaciyay in todobaadyada soo socda ay gacanta ku dhigi doonaan Magaalo Xeebeedka Kismaayo.
Odinga waxaa uu sheegay in Alshabaab ay ku jabeen Dagaalada gudaha haatana weerarada Kenya ay ka gaysanayaa ay uga goleeyihiin in Ciidamada Kenya ay culays ku saaraan in Ciidamadeeda ay kala soo baxaan gudaha Soomaaliya.
Ra’iisulwasaaraha Kenya waxaa uu si qayaxan u sheegay in Shabaab aysan marnaba wax dabac ah u samaynayn ayna qaadi doonaan talaabooyin ay ku xaqiijinayaan amniga Mandiqada.
Dowlada Kenya ayaa marar badan shaacisay in Ciidamadeeda ay la wareegi doonaan gacan ku haynta Magaalada Kismaayo oo ah xarun muhiim ah oo Shabaabka gacanta ugu jirta.
Abdinasir Ali


Recent Comments