Waa Sidee Xaalada Nololeed Ee Somalida Ukrain.
News-(GMN) Waxaa laga dayrinayaa Xaalada Nololaleed ee Qaxooti Soomaaliyeed oo 1000 ruux ku dhow kuwaas oo kusugan Dalka Ukrain ee Yurubta Bari.
Soomaalida ayaa la sheegay in qaarkood ay kujiraan xabsiyo badan oo ku yaala dalkaasi kuwaas oo kala kulma jirdil iyo Ciqaabo kale oo ad adag.
Maxamuud Cabdi Baydhabo oo kamid ah dhlinyarada waxkabarata Dalkaasi ayaa waraysi uu siiyay Laanta Afka-Soomaaliga ee VOAda ayaa waxaa uu sheegay in Soomaalida ay dhibaato badan ku haysato Magaalooyinka Dalkaasi.
Maxamuud waxaa uu sheegay inaysan jirin Dowlad u dooda iyo Safaarad xaqoodi usoo dhicisa toona , Waxaana uu sheegay in laga qaado lacago badan kuwaas oo marar badan lagasoo qabto xuduudaha wadankaasi.
Maxamuud waxaa uu sheegay in dhawaan lasoo bandhigay Maydka gabar Soomaali ah oo markii la baaray la ogaaday in la kufsaday, isagoo intaa raaciyay in Soomaalida xabsiyada kujira ay cuntada ka soomeen balse ay la kulmeen jirdil iyo ciqaabo xoogan.
Dhalinayarad Soomaaliyeed ee ka cararaya dhibaatooyinka Amni iyo Shaqala’aan ee kajirta Dalka inay u tahriibeen dunida dacaladeeda ayaga oo doonaya inay helaan meelo ay ka abuuraan fursado nolol lkn taas badalkeeda ay la kulmaan Dhibaatooyin isugu jira Dil, Dhaawac, Xarig, Masaafuris, Kufsi, Jirdil, iyo waxyaabo aysan filayn.
Abdinasir Ali


Recent Comments