Xagee Sheikh Sharif Wax u Wadaa
Siyaasadii Soomaaliya oo dib ugu noqotay 1990..
Madaxa Dowlada Ku Meelgaarkaa Sheikh Sharif ayaa baryahaan dambe bilaabay dadaal uu ku abaabulanayo taageerada qabiilada si uu xukunka ugu soo noqdo wixii ka danbeeya Agosto, walow aysan dowladiisu qaban wax la taabankaro. Waxaana jira cadaadis ka haysta dhanka bulshda caalamka oo diidan in asaga iyo xubnaha maamulkiisu ay dib ugu soo noqdaan musuq maasuq iyo wax qabasho la’aan awgeed. Si kastooy tahayba Shariif waxaa uu ku jiraan abaabul xoogan oo dhinac kastaa.
Waxaa abaabulkani la -aaday jaho runtii qofka Soomaaligaahi garan karo ujeedada laga leeyahay iyo halka ay u soco. Asagoon xilweyn iska saarin Xamar mooyee dalka intiisa kale intii xukunka hayay ayuu billaabay oolole ka dhan ah qeybo badan oo kamid ah dadka Soomaaliyeed ee colaadu aadka u saamaysay.
Ugu horeyn – waxaa uu bilaabay inuu dib u huriyo daanooyinkii qabiilka ee la xariiray halkii dagaalada sokeeye ka bilowdeen. Waxaa uu u qumay inuu raali galin ka bixiyo wixii ka dhacay gobolka waqooyi ee Soomaaliya aakhirkii sideetamaadkii. Waxaa cad in raali galinta uu bixiyay khaladka uu saaray dowladii dhexe ee Soomaaliya ee masuuliyadu ka saarnayd inay difaacaan midnimada iyo xuduudadha dalka. Halka uu u muujinayo in SNM ay ahayd urur ku saxsan dagaalkii ka dhankaahaa midnimada ummada iyo dalka Soomaaliyeed ee sida cad ay ku doonayeen madax banaanida. Waxaa uu la shiray madixii SNM ee xiligaas dagaalku ku qaaday dowladii uu mudada u soo shaqaynayay Siilaanyo. Arrintaas xiligan wax kalifaya ma jiraan maadaama uusan asagu ka madaxweyne ahaan matalin ummada Soomaaliyeed oo dhan dowladiisuna tahay ku meel gaar, qabiili ah oo waliba musuq maasuq iyo eex sal-dhig u yahay. Waxaa kaloo arrintaas inaysan munaasib ahayn cadaynaya wali SNM kama tanaasulin inay ka goosato dalka Soomaaliya taasna waa dhagar uu ka galay dalka Soomaaliyeed asagoo dantiisa gaarkaa qunsanaya.
Mida labaad – Waxaa uu ku dhawaaqay in khalad lagu dilay Gen. Gabayre iyo rag kale oo ay xukuntay maxakamad ciidan inay galeen danbiyo ka soo horjeeday xeerkii ciidanka dalka xukumay iyo hanaan socodkii dowlada xiligaas. Khalad iyo saxba arrintu waxay ahayd go’aan dowlad dhexe oo maxkamadi gaartay, hadalkiisuna maahan mid guddi iyo maxkamad arrintii dib u fiirisay gaareen. Waxaa cad in arrinta uu ka eegayo dhan qabiil asagoo eedaysanayaal ka dhigaya qabiilkii uu ka soo jeeday Madaxweynihii maamulkii xiligaas go’aanka maxkamada ciidanku dhacay dalka xukumay. Taasina maahan wax qof masuul sheeganaya uu ku koco ama dankiisa uu ugu dhibaateeyo ummada Soomaaliyeed qaarkood.
Mida sadexaad – Waxaa cad in dowladiisu ay afduub ku haysato ummadii Soomaaliyeed ee koonfurta daganayd uusana ka turjumin danahooda marka uu Puntland iyo Somaliland wada hadalka la galayo. Wadahadalka sadex geesoodkaa ee ay galeen kumeel gaarka iyo Puntland oo dhinac ah iyo Somaliland taariikh ahaan sadexdoodu wax ay isku diidanaayeen ma jiraan, maxay hada ka wada hadlin. Hadii si kale loo dhigo – USC, SSDF iyo SNM wada hadalka ay maanta ka qaleen arrimaha Soomaaliya waa arrin mucjisaa, maxaa yeelay waaba sadexdii qaybood ee bur-buriyay dowlada iyo dalka Soomaaliyeed.
Ugu danbayntii, waxaa cad in halka xalka Soomaaliya laga raadinayo aysan saldhig u ahayn xalka waa cidii rabta jidkii dhabtaahaa ee xalka ummada Soomaaliyeed ku jiray. Waxaase is waydiin mudan halka ay ku danbeeyeen wadaniyiihinii iyo dadkii sadexdaan kooxood ee danleeydaa ka difaaci jirey danaha guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ay sodonkii sano ee la soo dhaafay af-duubka ku haysteen.


Recent Comments