Shariif Oo Odayaasha La Kulmay.

Muqdisho-(GMN) Madaxwayanaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad ayaa maanta Odayaasha dhaqanka kala hadlay arimaha Dastuurka Cusub.

Madaxwayanaha ayaa booqday halka shirku Odayaasha uga socdo waxaana uu ugu horayn uga warbxiyay Safaradii Dalka Dibadaiisa uu ku tagay gaar ahaan Shirkii Burcadbadeeda iyo Wadahdalkii Maamulka Somaliland.

Sheekh Shariif waxaa uu sheegay in kulamadaas ay Guulo kusoo dhamaadeen wax la taaban karana kasoo baxeen.

Madaxwaynaha waxaa uu Odayaasha dhaqanka ka codsaday inay soo gudbiyaan Liiska Ergadii ansixin lahayd Dastuurka cusub maadaama Dastuurka loosoo bandhigay.

Madaxwayanaha ayaa Odayaasha u sheegay in dunida iyo Madaxda Dowladaba ku howlanyihiin sidi looga bixi lahaa wakhtiga Kumeel gaarnimada sidaasi darteedna la dadajiyo ergadii ansixin lahayd Dastuurka cusub.

Madaxwaynaha Dowlada KMG ah Sheekh Shariif ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya isaga oo kasoo laabtay Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta halkaas oo uu uga qaybgalay Kulamo Caalami ah.

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event