Faroole Oo Qaadacay Wadahadalada Shariif Iyo Siilaanyo.
Dubai-(GMN) Madaxwaynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Maxamad Maxamuud Faroole ayaa kasoo horjeestay Wadahadalada dhexmaray Madaxwayane Sharif iyo Hogaamiyaha Somaliland Siilaanyo.
Madaxwayanah Puntland oo la hadlay laanta Afka-Soomaaliga ee BBCda ayaa gaashaanka ku dhufta wadahadalada Magaalada Dubaa uga socdo Madaxwayanaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo Madaxwaynaha Maamulka Somaliland.
Madaxwayne Faroole waxaa uu sheegay in Shirkaasi uu gaar u yahay Shariif iyo Siilaanyo ayna kaga hadleen danahooda khaaska aysana matalin Shacabka Soomaaliyeed.
Faroole waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay Wadahadal Puntland aysan waxba ka ogayn waxaana uu ku sifeeyay Ola,ole Madaxwayne shariif ku doonayo inuu dib ugusoo laabta xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in shirkaas ay mar Shariif isla soo qaadeen lkn Shariif uu ka leexday waxyaabihii ay isla ogaayeen waxa hada ay kawada hadlayaana aysan ahayn wax dani kujirto.
Madaxwayne faroole waxaa uu meesha ka saaray Guul shirkaas kasoo baxda waxaana uu sheegay in dhinacyadu ay kala taaganyihiin mawqifyo kala duwan oo kala fog.
Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole waxaa uu horay u sheegay inaysan soconayn Wadahadalo dhexmaray Dowlada Soomnaaliua Iyo Maamulka Somaliland oo Puntland aysan wax ka ogayn waxaana uu sheegay Puntland iyo Somaliland ay ka dhexeeyaan Waxyaabo badan oo aan xal laga gaarin.


Recent Comments