Dastuurka Oo Odayaasha Farta Laga Saaray.

Muqdisho-(GMN) Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa Maanta u qaybisay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed Dastuurka cusub ee mudada la sugayay.

Munaasabad ka dhacday Xerada Xalane oo uu ka socod Shirka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa loogu qaybiyay Dastuurka Cusub ee mudada sadexda sano ah diyaarintiisa lagu howlanaa.

Munaasabada lagu qaybinayay Dastuurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiin ay kamid yihiin Kusimaha Madaxwaynaha ahan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirka Dastuurka iyo Dib U heshiisiinta, Wasiirka Beeraha iyo xubno kale oo Dowlada katirsan.

Kusimaha Madaxwaynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadal kooban u jeediyay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ka codsaday inay Dastuurka soo akhriyeen islamarkaana lasoo xulo ergadii ansixin lahayd.

Waxaa uu sheegay in Dastuurkii xiliga badan ay sugayeen maanta uu gacanta ugu jira sidaasi darteedna loo baahanyahay inay soo akhriyaan si degan oo mardanbe cidi uga sheekayn.

Odayaasha Dhaqanka ayaa Xukuumada uga mahadceliyay Dastuurka ay usoo bandhigeen, waxaana ay sheegeen inay Dastuurka soo eegi doonaan hadii wax ku darayaan ama wax ka jarayaana fikirkooda ay soo gudbin doonaan.

Qabyo Qoraalka Dastuurka Cusub ee Soomaaliya ayaa ahaa mid diyaarintisa mudo lagu howlanaa, waxaana dhawaan la filayaa in Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ay soo gudbiyaan Liiska magacyada 825xubnood ee ansixin lahayd Dastuurka Cusub.

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event