Musharixiinta Xil Doonka Ah Oo Soo Badanaya(Warbixin).
News-(GMN) Iyadoo ay wax kayar 60maalmood inaga xigto 20August ee xiliga ay ku egtahay Dowlada KMG ah ee xiligan jirta ayaa waxaa soo badanaya Musharixiinta u taagan inay hogaamiyaan Dowlada soo socota.
Guud ahaan Deegaanada Soomaalidu ka badantahay ee gudaha iyo dibada ayaa laga dareemayaa abaabul iyo xusul duub ay wadaan Siyaasiyiin iyo Aqoonyahan danaynaya jagada Madaxtinimada ee Dalka.
Abaabuladaasi kuwa ugu badan waxaa ay ka socdaan Magaalooyina Nayroobi iyo Muqdisho waxaana ka soconaya munaasabado kala duwan oo ay qabanayaan siyaasiyiin iyo xisbiyo u tartamaya xilka.
Magaalada Muqdisho waxaa shalay iyo maantaba ka dhacayay munaasabado ay sameeyeen rag ku dhawaaqay inay u sharaxanyihiin jagada Dalka ugu saraysa, waxaana musharixiintaasi kamid ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Baarlamaanka wakhtigisu dhamaaday horayna xil wasiir uga soo qabtay xukuumadii Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Gudoomiyaha Xisbiga la magacbaxay Xisbiga Nabada Xasan Sheekh Maxamuud oo isna maanta ku dhawaaqay inuu u sharaxanyahay xisbigiisa inuu u matalo Musharaxa Madaxtinimada ee doorashada nagusoo fool leh.
Labadan Musharax waxaa ay sameeyeen balanqaadyo badan oo ku aadan waxkaqabashada Xaalada Dalka iyo samatabixinta Umada Soomaaliyeed ee ku dhibaataysam dacalada Aduunka hadii xilkaasi loo doorto .
Musharixiinta shaaciyay inay xilkan danaynayaan waxaa ay kor u dhaafayaan dhowr iyo Toban Musharax oo isugu jira Aqoonyahaniin Qurbajooga ah iyo Siyaasiyiin xilal horay u soo qabtay, Waxaana ilaa haatan musharixiinta ugu cadcad kamid ah Madaxwayanaha iminka talada haya Sheekh Shariif Sheekh Axmad oo ku dhawaaqay maalmo kahor inuu yahay musharax xilka uu haatan hayo.
Munaasabada todobaadki dhawayd Nayroobi ka dhacday ayuu Sharriif ku dhawaaqay musharaxnimadiisa waxaana Munaasabada Abaabulay Ganacsato waaweyn oo beeshiisa kasoo jeeda isaga oo uu ka codsaday inay ku taageeraan Maalkooda si markale xilkan uu ugu soo laabto.
Gudoomiyaha Xisbiga TAYO Maxamad Cabdulaahi Farmaajo ayaa isna kujira musharixiinta ugu horeeya dhanka saadaasha maadaama uu haysto taageero baaxad weyn oo shacabka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadaba, waxaana uu bilihii u danbeeyay xusul duub ugu jiray sidii fikirkiisa dadka uu uga gadi lahaa waxaana kulamo kala duwan uu ku qabtay Wadamada England, Holand, Sweden, Norweyn, Italy, UAE, Uganda iyo waliba Kenya halkaas oo siweyn uu uga kasbaday taageerayaal badan.
Ilaa haatan lama saadaalin karo cida noqonaysaa Madaxwaynaha soo socda waxaase la filayaa inay jiraan Musharixiin badan oo jagadan isku soo taagi doona todobaadyada soo socda.
Soomaaliya waxaa xiligan ay u baahantahay Hogaan karti iyo hufnaan leh oo Dalka ka saara marxaladan qalafsan ee uu kukujiro kaas oo bulshada ugu adeega si cadaalad ah ah, mase badna rajada laga qabo inuu majaraha Dalka qabto qof sifooyin wanaagsan leh, maadaama xilkan uu noqday mid dadka usoo tartamayaa ay u badanyihiin dad nacfi doon ah iyo kuwa ay ku wayntahay Qabyaalad, eexda iyo nin jeclaysi ayna yartahay waxa ay bulshada u qaban karaan.
Abdinasir Ali


waxaanu taageero buuxda siin doonaa sheekh shariif sheekh axmed oo haata ah madaxwayanaha soomaalia waayo waa ninka kali ah ee ku guulaystay inuu meesha ka saaro calooshooda u shaqaystayaasha al shabaab