Maxamad Mursi Oo Guulaystay.
Qaahira-(GMN) Iyadoo maanta Malaayiin Ruux oo Daafaha Aduunka ku kala sugan ay siweyn u wada sugayeen Natiijada Doorashada Madaxtinimada ee Dalka Masar ayaa goor dhawayd waxaa lagu dhawaaqay inuu guulaystay Dr Maxamad Mursi oo kasocday Uruurka Ikhwaanul Muslimiin.
Malaayiin Ruux oo Banaabaxyo xoogan ka dhigayay Fagaaraha Taxriir ayaa bilaabay dabaal dagyo xoogan oo ay ku taageerayaan Hogaamiyaha Cusub ee Daqiiqado kahor lagu dhawaaqay inuu hogaamiyo Jamhuuriyada Masar.
Maxamad Mursi ayaa waxaa wareegi labaad ee doorashada kula tartamayay Axmad Shafiiq oo ahaa Raysal Wasaarihii ugu danbeeyay ee Xukuumadii Madaxwaynihi xukunka laga riday Xusni Mubaarak.
Guusha Maxamad Mursi waxaa dadwaynaha Masar ay uga dhigantahay inay gaareen go’aankoodi ahaa inay helaan hogaamiye daacad ah oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka reer Masar.
Abdinasir Ali


Recent Comments