Tarsan Oo Jarmalka Booqday.
News-(GMN) Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmad Nuur Tarsan ayaa booqasho ku tagay Magaalada Berlin ee Dalka Jarmalka oo uu casumaad ka helay.
Duqa Muqdisho waxaa Casumaadiisa soo qaban qaabisay Hay’ada FESGermany waxaana casumaadan fidiyay Duqa Magaalada Berlin.
Maxamad Axmad Nuur Tarsan oo ka hadlay safarkiisa waxaa uu sheegay in safarkiisa uu la xiriiro sidii magaalada caasimada ah ee Berlin iyo Muqdisho loo midayn lahaa.
Tarsan waxaa uu sheegay in Dowlada Jarmalka ay ka caawin doonto dib u dhiska Magaalada Muqdisho ayna ka kaalmayn doonaan dhinacyada horumarka iyo bilicda Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu ka dhawaajiyay inuu rajaynayo in Dowlada Jarmalka ay dib u howlgaliso goobihi Dalka ee ay gacanta ku haysay barisamaadki oo uu ka tilmaamay Xaruntii Tababarka farsamada, adeegii biyaha ee GTZTababarka farsamada, adeegii biyaha ee GTZ iyo goobo kale.
Gudoomiye Tarsan oo booqashadiisa ay bilaabatay maalintii arbacada ayaa gabagabadii safarkiisa waxaa uu kulamo lasoo qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalkaasi oo uu uga warbixiyay Xaalada Dalka iyo sidii ay Dalka u maalgashan lahaayen.
Tarsan waxaa uu horay heshiisyo ula soo galay Dowlada Turkiga kuwaas oo ku aadan sidii loo mataanayn lahaa Magaalooyinka Istanbuul iyo Muqdisho, waxaana heshiisyadan hadii ay hirgalaan ay noqonayaan kuwa waxbadan ka badala Muuqaalka Magaalada mudada 21sano ah jab iyo naaso beelka martigalinaysay.
Abdinasir Ali


Recent Comments