Ciidamada Dowlada Oo Qansaxdheere Rag Ku Toogtay.

Qansaxdheere-(GMN) Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ee Gobolka baay ayaa sadex ruux ku toogtay Magaalada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Ciidamada ayaa Sadexdan nin toogtay kadib markii qarax lala eegtay saraakiil katirsan Ciidamada Dowlada ee Magaaladaasi ku sugnaa kaas oo khasaaro gaystay.

Gudoomiye ku-xigeenka Degmada Qansaxdheere Xasan Xiifoow ayaa warbaahinta u sheegay in raggan la toogtay ay ahaayeen dadki ka danbeeyay qaraxi Qansaxdheere.

Xasan Xiifoow waxaa uu sheegay in ragan ay horay u qabteen ayna ku waaniyeen inay joojiyaan falalka guracan ay wadaaan , waxaana uu xaqiijiyay in Ciidamadoodu raggan ay soo qabteen ay halkaasi ku dileen.

Mid kamid ah Dadka Deegaanka oo Idaacadaha Caalamiga ah la hadlay ayaa sheegay in nimanka Dowladu khaarajisay ay ahaayeen dad rayid ah kana mid dadka deegaanka ee magaalada ku ganacsada.

Shakhsigan waxaa uu meesha ka saaray in raggan ay ka tirsanaayeen maleeshiyada Alshabaab ee lagu eedeeyay in Qaraxa Qansaxdheere maanta ka dhacay ay ka danbeeyeen, waxaana dilkooda uu ku tilmaamay mid gardarro ah.

Dilka ragan ayaa yimid kadib markii maanta barqadii Qarax aan khasaaro badan gaysan lala beegsaday xarun ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowlada , waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay hal askari sida Dowladu shaacisay.

Abdinasir Ali

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event