Soomaalidii Ugu Badanayd oo Ka Qalinjabisa Jaamacada OSU
Saved under Barnaamijta, Latest News, Waxbarashada

Nasro Jama - Graduated from The Ohio State University College of Education and Human Ecology, Spring 2012
Columbus, OH – Tiradii ugu badnayn ee arday Soomaaliyeed oo dhowaan ka qalinjabiyay jaamacada – The Ohio State University , OSU. Jaamacadan oo kamid ah kuwa ugu waa weyn dalka Mareykanka isla markaana ah jaamacada gobolka Ohio ugu weyn ayaa waxay soo saartaa afar dufcadood sanad walba. Sanada ayaa waxaa jaamacada OSU ka baxday ama waxbarashadoodii dhamaystay ardaydii ugu badnayn ee Soomaali asalkoodu ka soo jeedo. Dufcadii ugu danbaysay ee qalinjabisay bilowgii Juun oo dhamayd 10 kun oo arday ayaa waxaa ku jiray 37 arday oo Soomaali ah. Waxaana lagu qiyaasaa ardayda Soomaalidaa ee sanad walba ka qalinjabisa OSU illaa 200 oo arday, waxayna kordhisay tirada qalinjabinta African-Americanka . Waxaa kaloo xusid mudan in ay jiraan arday badan oo iyana ka baxay jaamacadaha kale ee gobolaka ku yaal oo ah illa dhowr iyo toban jaamacadood.
Munaasabad si gooni ah ay u soo abaabushay xafiiska Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ohio, Somali Community Association ayaa Axadii waxaa loogu hanbalyeeyay dhamaan dhalinyaradii ka qalin jabiyay jaamacada bishan Juun. Waxaana xafladan ardayda kala soo qeyb galay qaar kamid ah masuuliyiinta, wax-garadka iyo aqoon yahanada Soomaaliyeed ee deegaanka. Waxaa masuuliyiintaas kamid ahaa: Ambassador Cabdikarim Cali Cumar oo ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Mareykanka, Mudane Cabdullahi Salaad Warsame oo horey u soo nowday Wasiir ahaana jiray Duqii magaalada Muqdisho, Dr. Maxamed Cawali, Dr. Maxamed Warsame, Prof. Cabdirizak Cumar, iyo gudoomiyaha Jaaliyada Xasan Cumar oo isagu abaabulay munaasabada.
Ardaydan ayaa si weyn loogu hambalyeeyay waxaana lagu baraarujiyay masuuliyada qoys iyo mida qoomiyeadeed ee saaran. Dardaarankii ardayda loo soo jeediyay waxaa uu ahaa mid ku wajahan siday sare ugu sii qaadi lahaayeen tacliintooda sare iyo mansabkooda shaqo.
Mudane Cabdullahi Salaad ayaa ardaydan OSU ka qalin jabisay waxaa uu xasuusiyay fursadan ay heleen inaan dhamaan Soomaalidu horeyna u helina hadana in dhalin badani aysan haysan. Waxaana uu ka taariikheeyay sida barashada culuumta sare u ad-kayd.
“Xaalad adag ayaan wax ku soo baranay, barasahda culuumta sare ee heer jaamacadeedna qaalibay nagu ahayd, walina waa ku qaali inta badan da’yarta Soomaaliyee”, ayuu yiri Cabdullahi Salaad. Oo intaa ku daray inay heerka waxbarashada ummada Soomaaliyeed aad u-kobcay walise baahidii aqooneed taagan tahay.
Dhanka kale Dr. Cawale iyo Prof. Cabdirizak ayaa ayagu talooyin dhowr ah iyo bogaadin u soo jeediyay aradayda. “ Waxaan ahay dhakhtar, wallow mudo ay igu qaadatay hadana waan ka guul gaaray himadaydii wax-barasho, waxaana aaminsanahy inaad adinkuna heerkayga iyo mid ka sareeya gaari kartaan”, ayuu yiri Cawale. Halka Cabdirizak uu ardaydan ku booriyay inaysan mudo dheer camal la’aan noqon ama aysan ka dhex bixin macaahida waxbarasho, asagoo yiri, “tani waa tilkaabadii kowaad, waxaa laydinka rabaa inaad fahamtaan suuqa shaqo iyo cidaad cilmigan ugu shaqayn lahaydeen sidaas ku heli lahaydeen oo aan ahayn runtii hawl sahlan xiligaan”.
Ambassador Cabdikarim ayaa asna dardaarankiisa ku wajahan ardaydan iyo aqoonyahanada jaalliyada Soomaaliyeed. Waxaana uu aad ugu cel-celiyay in masuuliyadii ummadeed ee saarnayn ay korortay aysana lafahooda oo kaliya wax u baran ee ummad balaarani oo aad u habacsani sugayso, waxuuna yiri, “ummadani ayadaa is burburisay, maskadiina iyo cidii hagi lahayn guddahana dibada ayay ku soo aruureen, waxaan qabaa in masuuliyad weyn maanta ina wada saaran tahay, adinka dhalintaana gooni idiin saaran tahay, waa inaad mustaqbalkiina iyo kan kuwa idinka danbeeya jahaysaan adinkoo is kaashanaya”.
Inta badan ardaydu wali waa shaqo raadis, “xoogga waxaan saarayaa inaan shaqo helo, Mareykanka gudihiisa” waxaa tiri Nasro Jaamac. Laakiin Maxamed Kore oo bartay culuumta la xariirta Batroolka waxaa uu ii sheegay inuu shaqo ka helay New Orleans oo uu shirkad halkaa dagan u shaqo bilaabayo. Waxaa kaloo iyana dalka Malaysia shaqo macalinimo ka heshay Qorshe Xasan oo ku takhasustay luuqada English ka iyo culuumta bulshada. Waxayna xustay inay shaqadani lamid tahay miday halkan ka qaban lahayd oo kale marka la eego mushaarada iyo hawshaba.
Koboca heerka waxbarasho ee Soomaalida reer Ohio ayaa ah mid aad isu soo taraya sanadahan dambe, waxaana muuqata in jaalliyadu muhiimad gooni ah siiso kobcinta tacliinta ubadka. Jaalliyada Soomaaliyeed ee reer Ohio ayaa lagu qiyaasaa tiro ahaan illaa 60 kun, waxaana dugsiyada sare iyo jaamacada ka baxa arday aad u badan. Taasina waxay kaalin weyn ka qaadataa xasilinta dhaqaale iyo deegaan ahaaneed ee Soomaalida reer gobolkan.
Daawo Sawirada
Ahmed Adan, The Somali Press


Recent Comments