CPJ “Wariyaasha Dibad Jooga Ah Oo Kordhay” Warbixin.

News-(GMN) Ururka Difaacayaasha Saxafiyiinta ee CPJ ayaa soo saartay warbixin ay uga hadlayso Xaalada Wariyaasha Caalamku ay kusuganyhiin.

CPJ waxaa ay sheegtay in 450 Wariye ay kasoo barakaceen Aduunka gaar ahaan Wadamada Somalia, Eritariya,Ethiopia, Ruwanda, Pakistan, Iyo Syria.

CPJ waxaa ay sheegtay in Wariyaashan ay kasoo baxsadeen dhibaatada loo gaysanayo Saxaafada Xorta ah, Waxaana ay sheegtay in 12ki bilood ee lasoo dhaafay Wariyaashan lagu khasbay inay ka barakacaan dalalkooda.

Warbixinta CPJ waxaa ay soo qaadatay Wariyaal la dhibaateeyay kuwaas oo qaarkood dhibaato loogu gaystay ayagoo howlahodi shaqo ku guda jira qaarna hanjabaado iyo cagajuglayn awgeed ay ugasoo barakaceen goobahoodi.

Xoriyo Cabduqaadir waa 20jir ka shaqaynaysay Idaacada Radio Gaalkacyo oo fadhigeedu yahay Magaalada Gaalkacyo sidoo kalana wakiil wareed u ahayd Idaacada Risaala ee Muqdisho, waxaa ay aad uga hadli jirtay Arimaha Genderka iyo Bina’aadantinimada, Waxaana 14ki September ee Sanadki 2011ka xili fiidnimo ah weerar lagu qaaday ayadoo hoygeda u socota lala eegtay 5 xabadood.

Xoriyo oo CPJ la hadashay ayaa u sheegtay” Runtii Dhaawaca xiliga uu i gaarayay ma’ahayn mid xanuun leh, sababtoo ah wuxuu u dhacay si kadis ah” ayay tiri Xoriyo Cabduqaadir.

Sidoo kale CPJ waxaa ay soo qaadatay Wariyaal kasoo cararay Wadamada Itoobiya, Eritariya,iyo Rwanda kuwaas oo kasoo cararay cagajuglayn iyo digniino cul culus oo uga imaanayay Maamulada kataliya goobaha ay ka shaqaynayeen.

CPJ waxaa ay soo qaadatay dhibaatada Wariyasha ay kala kulmaan goobaha ay kusoo qaxeen oo ay kamid tahay aqoonsi  la’aanta Hay’addaha Qaxootiga iyo waliba iyaga oo aan haysan Shuruuc ay wadamadaasi ku joogaan.

Waxaa ay tusaale usoo qaadatay Wadamada Kenya iyo Uganda oo ay joogaan Wariyaal badan oo dibad jooga kuwaas oo aan Hay’adaha ka helin adeegyadii ay uga baahnaayeen si dhakhso ah, waxaana ay sheegtay in sharciga qaxootinimada ay ku qaadato inay sanado sugaan.

CPJ waxaa ay soo bandhigtay qiso naxdin leh waxaana ay tiri”Xasan Maxamad Xasan Jacayl waxaa uu Nayrobi soo garay sanadkii 2011 bishii june waxaa uu iska diiwaangaliyay Hay’ada UNHCR si uu caawimaad uga helo balse waxaa ay u sheegeen inuu u imaado sanadka 2012ka, Xasan waxaa ku dhacay Cudurka Sokorta xaaladiisu waa ay kasii dartay ilaa xubnihiisa qaar la jaray bilo uusan helin caafimaad ducument la’aan awgeed waxaa uu galay Coma isagoo gabagabadii dhintay bishii March ee sanadkan.

CPJ waxaa ay sheegtay warbixintan in ay kusoo beegtay Maalinta qaxootiga ee 20june iyadoo cinawaanka Warbixinta ka dhigtay Wariyaasha dibad jooga ah oo kordhay sanadkan, Waxaana sidoo Sanadkan 2012 ay diiwaangalisay 25 Wariye oo lagu dilay Caalamka, iyadoo soomaaliya Wariyaasha 5ti bilood ee lasoo dhaafay ka dhigaysa 6wariye oo meelo kala duwan lagu dilay kuwaas oo aan lasoo qaban cidi falalkaasi gaysatay.

Abdinasir Ali

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event