Somalia Oo Horboodaysa Wadamada Guuldaraystay.
News-(GMN) Wadanka Soomaaliya ayaa ku fara adaygay inuu xajisto sanado isxigxiga kaalinta 1aad ee wadamada guuldaraystay ama waxa loo yaqaan failed State.
Hay’ada Found For Peace ee xarunteedu tahay Wadanka Maraykanka ayaa Wadanka Soomaaliya waxaa ay hogaaminaysa 10wadan ee dhinaca burburka hogaaminaya waxaana wadanka Soomaaliya kusoo xigta
Democratic Republic of Congo oo ah wadan qaarada afrika ku yaala.
5ta wadan ee ugu horeeya ayaa waxaa ay yhiiin kuwa qaarada Afrika kuwada yaala, waana kan listiga 10ka wadan ee hogaaminaya wadama fashilmay aduunka.
1) Somalia
2) Democratic Republic of Congo
3) Sudan
4) Chad
5) Zimbabwe
6) Afghanistan
7) Haiti
8 ) Yemen
9) Iraq
10) Central African Republic
Wadanka Soomaaliya ayaa waxaa sabab u ah inay kaalintan gasho Dagaalada dabada dheeraaday ee mudada 21sano ah ka socday, Ururada hubaysan ee Argagixisada ah,iyo Burcadbadeeda ka ugaarsada xeebaha Soomaaliya iyo kuwa Caalamka.
Marka lagasoo tago Soomaaliya oo booskeeda 1aad xagsatay waxaa jira wadamo awal aan kaalmahan soo galin jirin oo sanadkan soo dhawaaday waxaana wadamadaas kamid ah wadamada Carabta ee sanadkan ay rabshadaha ka dhaceen.
Hay’ada Found For Peace waxaa sanad walba ay soo saartaa liistiga Wadamada guuldaraystay iyadoo lagu qiimayno daganaanta iyo xasiloonida wadan walba heerka uu gaarsiisanyahay.


Recent Comments