Madaxda Sare Ee KMG ah Oo Nayrobi Ku kulmaya.

Nayrobi-(GMn) Waxaa la filayaa in Saacadaha soo aadan Magaalada Nayrooi ay soo gaaran Madaxda Sarsare e Dowlada Soomaaliya iyo waliba xubnaha wx kawada qorshaha Road-mapka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kasoo kicitimo Magalada Muqdisho, halka Madaxwaynaha iyo Wafdi la socdana ay kasoo duulayaan Boqortooyada Sacuudiga oo uu booqashu ku joogay maalmahan.

Sidoo Kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaaa asna lagu wadaa inuu Nayroobi soo gaaro, iyadoo sidoo kalana Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamad Faroole uu kasoo kicitimayo Dalka Itoobiya oo maalmahan uu booqasho rasmi ah ku joogay.

Kulanka Nayroobi ka dhacaya warar kala duwan ayaa kasoo baxay waxaana la sheegayaa inuu ku aadanyahay dardar galinta khariidada nabada Soomaaliya iyo dhamaystirka Road-mapka.

Wararka aanu ke helayno ilo madaxda ku dhowdhow ayaa sheegaya in kulanka beesha caalamku ay ugu sheego doonto Madaxda qaar kamid ah kuwaas oo han uga jiro xilka madaxtinimada Soomaaliya inaysan isi soo sharaxi karin, waxaana beesha caalamku ay baaritaan ku haysaa in meel lagu sheego 130milyan oo lagu tuhmayo madaxda sarsare ee Dalka Qaarkood, kuwaas oo ay kamidyihiin Madaxwyanah iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale.

Ragga kujira Xusul duubka inay dib usoo noqdaan kadib Dowladan ee la saadaalinayo in si qayaxan beesha caalamku ugu sheegto inay joojiyaan ole,olahaasi waxaa ugu horeeya Madaxwaynaha Dowlada KMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmad iyo Shariif Xasan Gudoomiyaha Baarlamaanka awoodoodi lalaalay.

Wixi warar ah ee kulankaasi kusoo kordha Gedoonline.com uga bogo.

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event