Itoobiya Oo Mamnuucday Skypka.

Adis ababa-(GMN) Dowlada Wadanka Itoobiya ayaa mamnuucday adeegsiga aalada Skypka iyo adeegyada qaar ee dadu ay xogaha isku dhaafsadaan.

war lagusoo daabacay bogga BBCda qaybta caalamka la hadasha oo soo xiganaysa Wariyaal aan xuduuda laahyn ee ku sugan dalkaasi ayaa sheegay in xukuumada ay adeegsanayso programyo ay ku weerarayso isticmaalka Skypka.

Waxaa uu sheegay in Dowladu qaraar ay soo saartay 24May ee sanadkan la mamnuucay dhammaan aaladaha la iskala hadlo ee internetka, waxaana qofki lagu arko uu mutaysnaysaa xukun 15sano oo xarig ah.

Afhayeen Dowlada u hadlay oo kusugan Adis ababa laguna magacaabo Anne Waithera uu beeniyay warkaasi waxaana uu sheegay inuusan mamnuuc ahayn isticmaalka Skypka, waxaase mamnuuc ah adeegsiga isticmaalka ee qalalaasaha looga abuurayo Dalka.

Warkan ay BBCdu soo daabacday ma aysan sheegin sugnaanshihiisa dhabta ah , Dowlada Itoobiyana si faahfaahsan ugama aysan hadlin xanibaada la sheegay inay kusoo rogtay aaladaha dadku kukala warqaataan ee dhanka Internetka.

Abdinasir Ali

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event