AMiir Sulayman Oo Loo Magacaabay Dhaxal sugaha.

Riyaad-(GMN) Telefishinka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shaaciyay in Amiir Sulaymaan Binu Cabdicasiis loo doortay dhaxal sugaha Boqorka Sacuudib kadib markii uu geeroyooday dhaxal sugihii hore.

Telefishinku waxaa uu sheegay in Boqorka Sacuudiga Amiir Cabdulaahi Binu Cabdil Casiis uu u caleemo saaray Amiir Sulaymaan inuu noqdo dhaxal sugihiisa iyo Madaxa Golaha Wasiirada iyo Wasiirka Difaaca ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Magacaabida Dhaxal sugaha ayaa tmid kadib markii Boqorka uu la tashiyo badan la sameeyay qoyska reer Boqor,Masuuliyiinta Carab ah, Madax iyo Shakhsiyaad Islaam ah, waxaana uu bqorku go’aansaday Magacaabista xilkan.

Booska loo magacaabay Amiir Sulaymaan waxaa sabtidi dhawayd ka geeriyooday Amiir Nayf binu Cabdil Casiis oo ahaa dhaxalsugihii Boqorka kuna jiray sanad sideetamaad ee cimrigiisa kaas oo shalay lagu aasay Magaalada barakaysan ee Makkah Al-Mukarama.

Amiir Sulaymaan waa 76jir waana wiilka 25aad ee uu dhalay asaasihii Boqortooyada Sacuudiga Boqor Cabdil Casiis Aala Sacuudi, waxaana dad taariikhdiisa ka hadlay ay sheegeen inuu mudo gaaraysa 50sano kusoo jiray Siyaasada Dalkaasi uuna yahay ni Dowlad la dhaqan ah.

Abdinasir Ali

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event