XALLINTA KHILAAFKA

Qormo-(GMN) Nolosha aadanuhu waxay soo martay marxalado kala duwan oo leh duruufo kala geddisan. Waxaa mar walba aadanuhu uu ku hawlanaa sidii uu uga bedbaadi lahaa waxyeellada dabeecadda, uuna u haqabtiri lahaa baahiyihiisa kala duwan. Dadku waxay leeyihiin baahiyo, dhaqanno, caqiidooyin, iwm kala nooc ah. Tanina waxay keenaysaa in dadku u kala fakaro, una
kala dhaqmo siyaabo ku kala aaddan baahiyaha uu kala leeyahay iyo waxyaabaha uu kala rumaysan yahay. Maadaama dadku ay u kala ordayaan xaqiijinta danahooda kala duwan, waxaa halkaas ka muuqanaya in ay kala leeyihiin yoolal kala duwan oo ku kala aaddan danaha kala geddisan. Tanina waxay keenaysaa loollan iyo iska-soo-horjeed; waxaana sidaas ku dhasha
khilaaf.
Khilaafku waxa uu ahaa mid soo jirey ilaa iyo intii aadamigu jirey; waxaana la oran karaa in uu yahay mid ku lamaansan nolosheena oo aan marna laga waayi karin. Siyaabaha khilaafka loo arkayay iyo waxa laga aamminsanaa, waxay ahaayeen kuwo isla-beddelaya aqoonta iyo ilbaxnimada dadka. Mar waxaa loo arkayay in uu yahay dumiye, ayna tahay in lala dagaalo oo gebi ahaanba la suuliyo; marna waxaa laga aamminsanaa in uu yahay mid aan la joojin karin oo mar walba imaanaya, loona baahan yahay in marka la arko horey laga xalliyo.
Waxaa ugu dambayn la soo gaaray, in mararka qaarkood loo baahan yahay, in khilaafka (khilaaf-shaqo)
dhicitaankiisa la dhiirigeliyo. Waxaa jira qaabab loo adeegsado wax-ka-qabashada khilaafka oo ay ka mid yihiin; khilaaf-
maarayn, khilaaf-xallin, iyo xiisad-dejin. Sidoo kale, waxaa jira wadiiqooyin loo maro wax-ka- qabashada khilaafka oo lagu magacaabo ‘badiillada xallinta khilaafka,’ ayna ka mid yihiin wada- xaajood, dhexdhexaadin iyo garqaadis.
Khilaaf si wax looga qabto, waxaa lagama-maarmaan ah in dhan loo derso jiritaankiisa, noociisa iyo heerka uu ku sugan yahay. Tanina waxay ina tusaysaa in natiijada khilaafku ay in badan ku xiran tahay hadba khibradda iyo aqoonta lagu wajaho.
Sida ku xusan [Suurat Huud: 118], Ilaahay dadka kama uusan dhigin ummad mid ah, sidaas darteena aadanuhu ma noqdo khilaaf la’aan; taas oo ina tusaysa in khilaafku uu yahay mid aan aadanaha marna ka dhammaan ama laga dhex waayeen. Diinta Islaamku si aad u qeexan ayay u muujisay waxyeelada khilaafku keeno; iyada oo isla markaasna tilmaantay sida ugu habboon ee lagu xakamayn karo.
“Hadaad aragto xaajo (gar) dhammaan weyda, ama wax-ku-jira ayaa laga saaray, ama
wax aan ku jirin ayaa la soo geliyey,”
Waa murti Soomaaliyeed oo ina tusaysa in xaajada la marin habaabiyo aysan mirodhal yeelan; taasina keento in aysan xallismin ee ay ahaato mid marba marka ka dambeeya sii murugta oo madax iyo minjo yeelan weyda. Waxaan shaki lahayn
in arrinta Soomaaliya la soo geliyey, welina la soo gelinayo waxyaabo aan ku jirin oo wax- dhimaal mooyee aan marna waxtar u lahayn dalka iyo dadka midna. Aniga oo si weyn uga murugeysan mashada daba-dheeraatay ee inagu habsatay; waxaan aamminsanahay, in dhammaad la’aanta khilaafka Soomaaliya ay ka timid, sidii loo wajahay wax-ka-qabashadiisa oo aan ahayn mid si dhab ah ugu salaysan qaababka waxtarka ah ee la isticmaalo.
Haddaba, si aan bulshadeenna ugu iftiimiyo halka aynu ka habownay, isla markaana aan u qaadno toobiyaha ina
geynaya halka aan ku hamiyeyno oo ah helitaanka ‘dawlad Soomaaliyeed’ oo si buuxda u hanata mas’uuliyadaheeda wadaniga iyo kuwa caalamiga ah; ayaan u qoray Buugga XALLINTA KHILAAFKA oo ka kooban saddex qaybood oo kala ah: 1) Fahmidda Macnaha iyo Muuqaalka Khilaafka; 2) Soomaaliya iyo Khilaafka; iyo, 3) Badiillada Xallinta Khilaafka.
Ilaa iyo qalinkeyga dambe, nabadgelyo.
Cabdi Shire Warsame
Cirfe_50@hotmail.com ;shire@leadershipcd.org
Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event