Faroole Oo Jigjiga Gaaray.

Jigjiga-(GMN) Madxwaynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada jigjiga ee Caasumada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamad Faroole ayaa siweyn loogusoo dhaweeyay Magaalada Jigjiga, waxaana Wafdiga Madaxwaynaha Soodhaweeyay Madaxwaynaha Deegaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Safarka Madaxwaynah ayaa sida ay Shabakada Gedoonline.com u xaqiijiyeen xubno katirsan Madaxtooyada Puntland waxaa uu ku aadan xoojinta xiriirka labada dhinac iyo kawada shaqaynta waxyaabo badan oo dhinacyada muhiim u wada ah.

Madaxwaynayaasha Puntland iyo Dowlad Deegaanka ayaa la filayaa inay qaataan kulamo kala duwan oo ay kaga wada xaajoonayaan qodobo muhiim ah.

Waa markii ugu horaysay oo Madaxwayne Faroole uu booqanayo Jigjiga waxaana arintan ay ka danbaysan kulan todobaadki lasoo dhaafay labada Madaxwayne ku dhexmaray Magaalada Adis ababa ee Caasumada Itoobiya.

Abdinasir Ali

Gedoonlinenews@gmail.com

One Response to Faroole Oo Jigjiga Gaaray.

  1. axmed June 17, 2012 at 12:02 pm

    dadka beenta ka daaya, faroole cid kuma soo dhoweyn JIGJIGA oo aanan ahayn dhowr qof oo barlamaanka ka mid ah …ina iley wuu diiday inuu la kulmo, beesha Absamena way diideen inay la kulmaan oo odayaal dhaqameedku way diideen.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event