Shabaab Oo Ka Hadlay Galitaankoodi ceelbuur.

News-(GMN) Ururuka Shabaab ayaa ka hadlay galitaanka ay galeen Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud oo ay maanta gudaha u galeen , kadib markii ay ka baxeen Ciidamadii Itoobiya ee gacanta ku hayay Magaalada.

Afhayeenka Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere waxaa uu Hambalyo u diray Shabaabka taas oo ku aadan la wareegitaankooda Degmada Ceelbuur.

Cali Dheere waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya sababta ay uga baxeen ay tahay kadib khasaaro xoogan oo ay Itoobiyaanka u gaysteen intay Ceelbuur ku sugnaayeen waa siduu hadalka u dhigay Cali Dheere.

Afhayeenka Shabaab waxaa uu sheegay inay qaadi doonaan Weeraro isdaba joog ah oo ay kusoo ceshanayaan deegaanadii dhawaan loogu awood sheegtay.

Hadal Afhayeenka Shabaab waxaa uu imaanayaa iyadoo Saaka ciidamadi Itoobiya ee kusugnaa Degmadaas ay isaga baxeen , kadibna Shabaab ay Magaalada galeen oo ay dib u qabsadeen.

Gedoonlinenews@gmail.com

One Response to Shabaab Oo Ka Hadlay Galitaankoodi ceelbuur.

  1. Muktar mohamed June 12, 2012 at 11:18 am

    Asc dhamaan akhristayaasha iyo qorayaasha web kan

    kadibna waxaan aad ugufaraxsanahay lawareegidda ceelbuur

    waxaana u arkaa hormar dhinaca huriyada ah

    Allah ayaa ku mahadsan

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event