Warbixin: Ciidamada Itoobiya oo Saldhig ka Dhigta Dugsiya Waxbarashada

Warbixin Khaas ah: Ciidamda Dowlada Itoobiya ee dalka Soomaaliya gudihiisa ku jira gaar ahaan gobolada Gedo, Hiiraan, Baay iyo Bakool ayaa caadaystay inay dagaan dugsiya waxbarashada ee magaalooyinka ay qabsadaan. Hayado dhowr ah oo maamula dugsayada hoose dhere iyo kuwa sare ee Gobolka Gedo gaar ahaan Magaalooyinka Baladxaawo, Luuq iyo Garbahaarey ayaa cabasho ka soo jeediyay dhaqanka cilmi la dagaalankaa ee ciidamada Itoobiyaanku ku hayaan ubadka Soomaaliyeed ee deeganadaas.

Waxay dadka deegaanku muujiyeen sida ay uga xunyihiin in ciidamda Itoobiya ay goobaha wax barashada Ubadaka saldhiga ciidan uga dhigtaa had iyo jeerba. Waxayna sheegeen in aysan jirin dhismayaal badan oo ubadku wax ku bartaan kolka dugsiyada ay ciidamdu dagaan. Waxay arrintaasi kaliftaa in ilmuhu baagamuudo noqdaan ayana halis u noqdaan inay ku biiraan xoogaga ciidan ee dagaalama, maadaama aysan waxbarasho haysan.

Dhaqaalaha Dugsiyadani ku socdaan inta badan waxaa bixiya qurbo joogta Soomaaliyeed maadaama aysan jirin dowlad qaadata masuuliyada waxbarashada ubadaka Soomaaliyeed. Saldhiga ciidanka ee hakinaya waxbarashadu waxaa kaloo uu kalifaa inay adkaato in dugsigaas dib loo furo dhaqaale ahaan iyo macalimiinta iyo ardayda oo badanaa ka guura deegaanka marka waxbarashadu hakato. Arrintaasina waxay dhabar jab wayno ku tahay horumarka bulshada gaar ahaan waxbarashada deegaanka.

Dhanka kale waxaa adag in dib loo dayactiro dhismayaasha dugsiga kadib markay ka guuraan ciidamada Itoobiyaanka, garaafada ay dhismayaasha ciidanka iyo gaadiiska hubaysani u gaystaan awgeed. Dadka deegaanka ay colaadu samaysay ayay ku adagtahay inay dib u dayac tiraan dhismayaashaan oo markii horaba si aad u adag lagu dhisay.

Ugu danbayntii arrintaan ayaa dadka deegaanka Baladxaawo, Luug iyo Garbahaarey waxay muujiyeen inay dhibaato balaaran iyo culays ku tahay, ayana ku adag tahay inay ciidamada Itoobiya kala hadlaan oo ay naftooda uga baqayaan in daano ka soo gaarto. Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya gudihiisa ku jira ayaa si aad u ba’an ugu amar ku taagleeya, cadaadisna saara dadka deegaanka. Taasoo inta badan kalifta in dadku u guuraan xeryaha qaxootiga Kenya ayagoo ka cararaya colaada iyo cadaadiska Itoobiya doonayana inay nabad helaan ubadkuna wax barasho u helaan.

Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaan iyadu arrimahaan inaba hayaraatee ka hadlin aana xukun keedu gaarsiisnayn inta ka baxsan gobolka Bamaadir. Wax barashada dalkuna waxay ahayd mid aad u liitada tan iyo intii ay burburtay dowldii dhexe ee Soomaaliya 1991.

Warbixintan khaaska ah Gedonline waxay diyaarisay kadib markii cabashooyin badan uga yimaadeen dadka deegaanka Gedo iyo haydadaha gaanta ka gaysta wax barashada Gobola ee dibada jooga. Waxaan ka gaabsanay xusida magacyada dadka xaaladooda amaan awgeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event