Gaas Oo kahadlay Qabsashada Afmadow.

News(GMN)-Reysal wasaaraha Soomaaliya C/wali maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweeyay in alshabaab laga qabsado degmada afmadow ee gobalka jubada hoose, oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada huwantaa ee ku sugan gobalka jubada hoose.

“Waa fursad aan soo dhaweyneyno in kooxda alshabaab laga saaro deegano badan oo ay mudo katalinayeen,qabsashada afmadow waxay saamaxaysaa in gacanta lagu dhigo magaalo xeebeedka kismaayo”ayuu yiri Gaas.

C/wali maxamed cali gaas ayaa sheegay in ciidamada maanta gaaray afmadow laga rabo in aysan shacabka wax yeeleyn oo ay amaankooda ilaaliyaan maadaama ay mudo ku jireen gumeeysi waa sida uu hadalka u dhigay reysal waasaraha soomaaliya.

Degmada afmadow ayaa u gacan gashay Ciidamada huwantaa ee maalmihii danbe waday dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay ku doonayeen in ay alshabaab kala wareegaan goobaha ay maamulaan.

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event