Naanaysta “Shariif SAKII” oo Hakisay Shirkii stabuul Sadex Saacadood
Saved under Barnaamijta, Editorial, Latest News
Gedoonline – Maalintii labaad ee shirka bulshada rayidkaa Soomaaliyeed ee Istanbuul ayaa gabar shirka ka khodbaynaysay tiri ‘Sharif SAKIIN’ naanaysta caankaa ee loo yaqaano Gudoomiyaha baarlamaanka ku meel gaarkaa, Shariif Xasan. Naanaysta gudoomiya oo baryahaan danbe ah mid can ka ah bulshada Soomaaliyeed gudaheeda ayaa markay gabadhii tiri waxaa ku xigay sacab is qabsaday madashii shirka, taas oo micneheedu ahaa in aad loo soo dhaweeyaya hadalka gabadha.
Laakiin waxaa halkaas arrinta ka soo horjeestay oday kamid ah duqayda Digil iyo Mirifle oo isagu kor u qayliyay muujiyayna in ay arrintani dhib ku hayso, waxaana uu isku dhuftay dhulka sidii wadnaha looga soo booday. Taasina waxay keentay in shirkii hakaday odaygiina cisbitaal loo qaado. Kadibna waxaa shirkii ka baxay qaar kale oo kamid ah duqaydii Digil iyo Mirifle oo ayagu ka dhiidhiyay naanaysta Sakiin ee shirka laga yiri.
Shirkii waxaa uu hakaday mudo ku dhow labo saac waxaana Soomaalidii kale ku qasbanaatay in la xaal mariyo Digil iyo Mirfle. Waxaa la bixiyay xaal marin dhaqan oo rasmi ah oo qarash iyo raaligalin isugu jirta. Digil iyo mirifle waa ay qaateen raali galintii oo ay kamid ahayd in madasha shirka laga mamnuuco naanaysta “Shariif Sakiin”, waxayse celiyeen lacagtii xaalmarinta ahayd ee la siiyay. Sabeen xirki kadibna shirkii ayaa dib loogu noqday.
Dhanka kale shirkii wali waa uu socdaa, waxaa madasha soo garay R-wisaare Cabdiwali Gaas waxaana la sugayaa madaxweynaha Shariif iyo wafuudii dowlada oo lagu wado inay maalinta barito ah ku soo biiraan.
Related posts:
- Beelaha Digil Iyo Mirifle Oo Ku Baaqay In Xilka Lagaqaado Shariif Xassan.
- Sh. Shariif Oo Amaanay Shirkii Turkiga
- War deg deg ah: Shirkii waatashiga arimaha soomaaliya oo Muqdisho ka furmay
- Shirkii Ahlu-sunna oo Mar kale dib u furmay kadib Khilaaf hareeyay
- Soomaaliya oo Shirkii Midowga Afrika loogu yaboohay $351-Melyan


Recent Comments