Warsaxaafadeed Laga Soo Saaray Kulnkii Ay wada qaateen Tarsan iyo Gudoomiyaasha 16 Degmo Ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho, Sabti, 26-May-2012(GMN)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta shir guddoominyay shirka guddoomiye yaasha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho ay Sabti kasta ku yeeshaan xafiiska duqa Muqdisho.

Kulanka maanta ayaa doorka lagu saaray labo qodob oo kala ah Amniga, nadaafadda, waxaana la isla jeex jeexay sidii loo sii dardar gelin lahaa Amniga caasimadda iyo Nadaafadda.

Ugu horeyna waxaa shirka furay duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka, wuxuuna Hambalyo udiray qeybaha kala duwan ee ciidamada qlabka sida iyo guulaha ay ka gaareen dagaalada.   Intaas kadib ayaa waxaa si weyn looga dooday sidii Amniga degmooyinka gobolka Banaadir loo sii adkeyen lahaa, islamarkaana Nadaafadda loo sii dardar gelin lahaa.

Duqa Muqdisho ayaa warbiixno ka dhageystay dhamaan guddoomiye yaasha degmooyinka xaaladaha dhabta ah ee ka jira degmo kasta xaga Amniga iyo Nadaafadda.

Kadib warbixino ay siiyeen guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho guddoomye yaasha degmooyinka oo ku aaddan xaga Amniga iyo Nadaafadda ayaa waxaa la go’aamiyay in degmo  kasta ay keensato 50-haween ah kuwaasoo qeyb lixaad leh ka qaadan doona Nadaafadda degmada.

Gabagabadi kulankaas ayaa waxaa soo xiray mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir isagoona kula dardaarmay guddoomiye yaasha 16-ka degmo ee gobolka iney masuul ka yihiin Amniga iyo Nadaafadda degmadooda, loona baahan yahay iney sii laba jibbaaraan.

—-Dhamaad——

Gedoonlinnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event