Warsaxaafadeed DKMG Soomaaliya Oo Sheegtay Iney Baaritaano kuwado Xarumo Warhaabin Oo Kuyaala Muqdisho.

(Muqdisho, May 22, 2012) Asbuucyadii la soo dhaafay ayaa waxa socday ol’ole ay wadeen qeyb ka mid ah saxaafada oo madaxda dowladda kula kacay caay iyo af-lagaado, iyagoo abuuraya cabsi ama jahwareer oo ku wajahan hanaanka nabadda ee Soomaaliya, ujeedaduna ay tahay qas iyo fowdo lagu sameynayo heshiiskii qariidada nabadda ee Roadmap-ka.

Waxaa muhiim ah in la ogaado in dhaqankaan uu ku kooban yahay oo kaliyah kooxo saxaafada u adeegsada ujeedooyin khaas ah, kuwaas oo shacabka runta ka marin-habaabiya.

Saxaafada inteeda badan ma ahan kuwo ku sifeysan tilmaamahaas, sababtoo ah intooda badan waxay gutaan waajibka ka saaran ku dhaqanka sharciga saxaafada ee ka jira dalka, oo uu baarlamaanka DFKG ay qaadatay sanadkii 2007-da.

Shuruucda waxay si cad u qeexayaan cawaaqibta ka dhalan karta markii ay saxaafada ku kacdo caay, sumcad-dillid, been-abuur iyo xumaan ula kac ah taas oo mamnuuc ka ah in saxaafadda lagu baahiyo.

Dowladda waxaa ka go’an in ay dhowrto saxaafada xorta ah, laakiin in la dafiro shuruucda u dagsan saxaafada oo markaas been laga abuurto dowladda, shacabka, waxgaradka iyo cuqaasha – iyadoo baad la weydiisanayo – ma ahan mid loo dulqaadan karo.

Wararkii ay faafineysay mid ka mid ah idaacadaha gaarka loo leeyahay ayaa ka mid in lagu sheegay masuul sarre oo dowladda ka mid ah in uu lunsaday ama xaday hantidii dowladda iyadoo aysan jirin wax cadeyn ah oo arintaas loo daliishaday.

Sharciga wuxuu sheegayaa masuulad iyo anshaxa wanaagsan in loo hogaansamo markii ay idaacad gudbineyso wararka, si saxaafada ay xornimadeeda u hanato.

Markii shati la siinayo warbaahin, waxaa shuruudaha ka mid ah in idaacadda ay buuxin karto waajibaadka ka saaran bulshadda, gaar ahaan in la xaqiijiyo faaf-reebida waxyaabaha lidka ku ah anshaxa bulshada, beenta, caayda iyo shaqsi-weerarka.

Dalka waxa uu ku talaabsaday jawi nabadeed iyo mid xasilooni, taas oo ay dowladdu ugu gogol-xaareyso dhaqan-galka saxaafad xor ah oo madax banana iyo bulshada rayidka ah oo buuxisa doorkeeda si loo gaaro dibu-heshiisiin dhab ah.

Sidaas darteed, mulkiilayaasha idaacadaha waa in ay ka digtoonaadaan jabinta sharciga u degsan saxaafada iyo in ay hor-istaagaan hanaanka nabadda iyagoo baahinaya warar kheyrul-masuulnimo leh oo carqalad ku ah nabadda.

Dowladdu waxay taageersan tahay saxaafadda xorta ah, waxaana ka go’an in ay garab istaagto bulshada rayidka ah si ay qeyb uga noqdaan dadaalka lagu samatabixinayo dalka.

Waxa kale oo ay dowladdu ku dhaqaaqday baaritaan lagu sameynayo mulkiilayaasha idaacadaha loo furtay in ay saxaafadda meel uga dhacaan oo ka shaqeeyaan buun-buuninta qaska, rabshadaha iyo been abuurka.

DHAMMAAD

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event