Barre Hiiraale Oo Nairobi Ku Wajahan.

Gedo-(GMN) Xildhibaan Barre Aadan Shire Barre Hiiraale ayaa lagusoo waramayaa inuu ku wajahanyahay Magaalada Nairbo ee Dalka Kenya Kadib 2sano oo uu ku sugnaa Magaalada Dooloow ee Xadka Dalka Itoopiya.

Sida uu sheegay Isuduwaha Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Isaaq Hoorow Xasan ayaa waraysi uu siiyay mid kamid ah Idaacadaha Maxaliga ah waxaa uu ku sheegay in dhawaan la filayo inuu uu gaaro Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Isuduwaha Waxaa uu beeniyay warar ay qoreen qaar kamid ah Warbaahinta kaasi oo ahaa in Barre Hiiraale uu u xirnaa Ciidanka Itoobiya muddo labo sano ah haatan uu soo baxsaday, waxaana uu sheegay in Barre mar hore lasoo daayay hadana uu ka imaaday Magaalada Dooloow.

Mr Isaaq waxaa uu intaas ku daray in Barre Hiiraale uu aadayo Magaaladao Nayroobi , kadibna uu uga gudbi doono Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Maalmo kahor ayuu XIldhibaan Baree waxaa uu soo gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaana mudo 2sano ah uu kusugnaa Magaalada Dooloow ee Xadka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Abdinasir ALi

Gedoonlinenews@gmail.com

One Response to Barre Hiiraale Oo Nairobi Ku Wajahan.

  1. jibreel28 May 16, 2012 at 3:56 pm

    cadaawadda qaar badan oo soomali ah u qabaan barre(libaaxa)
    intaas ayaa ii cadeyneysa, website-yada qabiilada waxay ku qoreen in barre uu amxaaro u xirnaa, laakiin been hal lug oo laqabto ayeey leedahay waana taas! nooloow geesi BARRE AADAN SHIIRE.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event