Xabi Alonso: Barcelona waa laga guulaysan karaa

Sports-(GMN) Xiddiggii hore ee qadka dhexe uga ciyaari jiray kooxda Liverpool, balse hadda la jooga Real Madrid Xabi Alonso ayaa kooxda Chelsea u hubanti bixiyay in Barcelona cashar la bari karo haddii la doono.

Xabi ayaa rumaysan in kooxda Di Matteo ee Chelsea ay ka adkaan karto Barcelona marka ay habeenka Talaadada ku kulmaan garoonka Nou Camp oo ay ka dhaceyso lugta 2-aad ee semi final-ka koobka Champions League.

The Blues ayaa lugtii hore ee ciyaarta hal gool waxay kaga badisay Barca ciyaar ka dhacday garoonka Stanford Bridge.

Alonso oo kooxdiisu habeenkii Sabtidii ay 2-1 kaga badisay Barca ciyaartii adkeyd ee El Clasico ayaa carrabka ku adkeeyay in ay suurta-gal tahay ka adkaanta Barcelona, oo uu sheegay qaab-ciyaareedku in uu sarreeyo.

“Chelsea ayaa hal gool leh,” ayuu yiri Alonso. “Aanu aragno waxa dhaca habeenkaas” ayuu sii raaciyay.

X-Barkulan

Gedoonlinenews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event