Morinho : Barcelona Way Sii Jaratay Tikit-keeda Finalka Champions League”

Gedo Online Sports - Macalinka Kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa sheegay in kooxda Barcelona ay mar hore sii jaratay Tikit-keedii Finalka Tartanka ugu Xiisaha badan Kooxaha Aduunka ee Uefa Champions League.

Leyliyaha Madrid, oo la hadlay Saxaafadda kadib Kulankii ay 5-2 kaga badiyeen kooxda APOEL, Lugta Labaad Wareega 8-da ee Tartankaan, ayaa sheegay in aysan macquul aheyn in uu Finalka la Ciyaaro kooxdiisii hore ee Chalsea.

Markii wax laga weydiiyay Jose, labada Kulan ee Semi finalka ayuu u sheegay TeleMadrid, “Aniga ahaan Su’aasha ugu weyn waxa ay ka taagan tahay yaa la ciyaari doono Barca Finalka?”.

“Waxa ay noqon doontaa Semi Final adag Bayer Munich iyo Real madrid, Labadooda tii Fiicnaata ayaa Finalka la kulmi doonta Barcelona” ayuu yiri Mourinho.

Mourinho oo Jawaabaha soo gaa gaabinaayay Wareysigii lala yeeshay, ayaanan wax sharraxaad ah ka bixin sababta uu Barcelona ugu Xaqiijiyay Final, isla markaana uu Daaqadda uga saaray Chelsea.

Hase yeeshee Macallinkaan labada jeer ku guuleystay koobkaan “Horyaalka yurub” ayaa kusoo gaabiyay sidan markii Su’aasha lagu cel celiyay “Maxaa yeelay waa koox wanaagsan”, isagoo ula jeeday Barcelona.

Barcelona ayaa Semi Finalka Tartankaan la Ciyaari doonta kooxda Chelsea, waxa ayna labada koox Marxaladaan horey ugu kulmeen Sanadkii 2009-ka markaas oo Barcelona Finalka u gudubtay Koobkiina qaadatay, waxa uuna ahaa Sanadkii u horeeyay ee Guardiola qabto Majaraha Kooxda Kataluuniga ah.

Kulankii Labaad ee ka dhacay Garoonka Chelsea Sanadkaas, waxaa ka dhacay Go’aamo Muran dhaliyay oo garsooraha gaaray, taas oo keentay in Mourinho sanadkii hore ku tilmoomo Kulankaas in uu ahaa “Fadeexadii Stam ford Bridge” waxa uuna Mourinho sheegay in ay ceeb tahay in guul nuucaas oo kale ah qof sheegto.

Barcelona habeen ka hor waxa ay 3-1 kaga badisay AC Milan oo 7 jeer koobkan qaaday, kulan ka tirsanaa Lugta labaad ee Wareega 8-da, kulankan waxaa ka dhashay mar kale go’aamo Muran badan dhaliyay oo ku riixayay Barca in uu garsooraha u eexday markii uu ku abaal mariyay laba gool-ku-laad (rigoore) qeybta hore ee Cayaarta.

Ciyaarta kadib, Ibrahimovic, oo weerarka uga Cayaara Milan, horeyna Saaxiibo ugu ahaayeen inter Macallin mourinho, ayaa sheegay in uu Xaqiiqsaday sababta Markasta uu Macallin Mourinho uga qeyliyo garsoorayaasha markii uu la Ciyaaraayo Barcelona, isagoo ku tilmaamay go’aankii Garsooraha ee Cayaartii looga adkaaday habeen hore mid u hiilineysay Barcelona.

Macaliinka Barca, Guardiola, ayaa hadalka Ibrahimovic dafiray, waxa uuna ku tilmaamay in uu Ibra ku doonaayo oo kaliya hadlakaas in uu saaxiib kaga dhigto Jose Mourinho.

“Mourinho iyo Ibra waxaa u sheegaayaa in aan anaga u qalanay in aan Semi Final soo gaarno, waxaana Xusuusinaayaa in markaan ay tahay markii 5-aad oo isku Xigta oo aan Semi finalka Ciyaareyno, taasna ay tahay wax qiimeyn Mudan”. ayaa ka mid ahaa hadaladii Guardiola ee Jawaabta u ahaa Ibra.

Hadalada Macallin Mourinho ee ka dhanka ahaa Markasta Barcelona ayaa waxa uu u badalay dhinac kale markii uu hadalkaan kasoo yeeray ee ah in Barca ay durbaba Final joogto, isagoo daaqadda ka saaray rajada Kooxdiisii hore ee ah in ay kasoo muuqato Alienza Arena 19-ka bishan.

Gedo Online Sports News

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event