Maxamuud Sayid “5-Shabaab ah Baa La Dilay

Baardheere – GMN - Inta la ogahay 5 ka tirsan Al Shabaab ayaa ku dhimatay, 30 kalena way ku dhaawacantay duqeyn diyaarado saddex ah ay ka geysteen deegaanka Tarako oo 50 kilo mitir u jirta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid Aadan oo ah mudane ka tirsan Baarlamanka Soomaalida oo Gedo ku sugan ayaa sheegay in dadka dhintay iyo dadka dhaawacmay ay ka wada tirsanaayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Sayid, ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jireen labo sargaal oo ka tirsan Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraduhu bartilmaameedsadeen saldhigyo ay Al-Shabab ku lahaayeen deegaanka Tarako, waxaana xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan uu sheegay in dhaawaca iyo meydadka maleeshiyada in la geeyay degmada Baardheere.

Gedo Online News

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event